Khatarta Caafimaad Ee Ay Leedahay In La Cuno Dawo Antibiotic Ah Oo Aanu Dhakhtar Qorin

0
661

Picture9London (Geeska)- Warbixin cusub oo ay soo saartay xukuumadda dalka Ingiriiska ayaa mar kale ka digtay khatarta ay leedahay in la isticmaalo dawooyinka cudurka dila ee Antibiotic loo yaqaanno oo si aan sax ahayn caafimaad ahaan suuqyada loogu iibiyo iyada oo aan loo eegayn warqad dhakhtar.

Warbixintan dowladda Ingiriisku soo saartay waxa ay ku soo beegantay iyada oo maalmihii u dambeeyey uu isa soo tarayey warwarka ka dhashay qaylo dhaan ka soo yeedhay dalka China oo sheegaysa in la arkay bakteeriyada cusub oo ay dili kari waayeen dawooyinka Antibiotic ee lagula dagaalami lahaa. Sidaa awgeed warbixintani waxa ay isku xidhay korodhka iibka dawooyinka antibiotics oo duida oo dhan laga soo saaro si sahal ahna lagu iibiyo iyo dhinaca kale korodhka bakteeriyada dilaaga ah ee iska caabbinaysa dawooyinkan.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in nooc ka mid ah bakteeriyadani uu xoogaystay oo koray, iyada oo shirkadaha dawooyinka soo saaraana ay muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhigeen maalgelinta soo saarista dawooyinka cusub ee antibiotics ka ah iyo cilmibaadhistooda, taasina ay sababtay khatarta caafimaad darro ee dunida oo dhan soo waajahday ee ah in la arko bakteeriya iska caabbinaysa dawooyinka, oo ay ka mid tahay ta keenta caabuqa sanbabbada, xanuunka jabtada oo galmada lagu kala qaado horena loo daweyn jiray laakiin hadda la arkayo noocyo ka mid ah oo aan dawadu dilayn iyo kuwo kale.

Dhibta ay warbixintu sheegtay ayaa ah in dunida ay ku soo badanayso dadka oo iska isticmaalaya dawada Antibiotics ka ah iyaga oo aanu dhakhtar u qorinna iska iibsanaya ama waqtigii dhakhtarku u ogolaa in ay isticmaalaan ka badsanaya, taas oo si aad ah u sii korinaysa bakteeriyada halkii ay ka ahayd in ay disho. Waxa aanay warbixintu caddaysay in inta la og yahay mushkiladda Bakteeriyadan cudurka iska celinaysa ay sannad kasta u dhintaan Hal Milyan oo qof.