Sababta Kaneecadu Dadka Qaar U Qaniinto Kuwana Aanay U Arkin Iyo Habka Aad Isaga Ilaalin Karto Qaniinyadeeda

0
604

Hargeysa (Geeska)- Dad badan ayaa aaminsan in xasharaadku uu ilayska ka kala ordo oo haddii ay madow noqoto uu qofka cuno, oo tusaale ahaan haddii ay kaneeco badan dareemaan laydhka shita. Sidoo kale waxaa jirta aaminsanaan ah in xasharaadku uu soo eegto macaanka oo ay uriyaan. Laakiin sida lagu ogaaday cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Jarmalka, aaminsanaantaasi waa mid qaldan.

Sida cilmiga lagu ogaadayna xasharaadka jidhka qaniina oo kaneecadu ka mid tahay, waxa ay awood u leeyihiin in ay uriyaan ur ka soo baxda maqaarka qofka oo urtaas noocyo ka mid ah oo iyaga oo keliyi ay gartaan ay tahay tan ku soo jiidaysa in qofka ay qaniinaan. Ama in dadka qaar ay jeclaadaan qaniinyadooda kuwana diidaan. Xeeldheerayaasha arrintan baadhay waxa ay sheegeen in ay jirto sabab urtaas la xidhiidha oo kaneecada ku riixda qaniinyada, waxaana ka mid ah jidhka uu ku badan yahay asiidhka dufanka leh (Fatty acid) oo kaneecadu ay si aad  ah u jeceshay iyada oo ku garata ur ay iyada uun garanayso oo uu jidhkani soo daayo. Kan oo keliyana ma’aha ee waxaa jira uro kale oo sababo kale ku yimaadda oo jidhku soo daayo kuwaas oo qaarkood uun kaneecado raadsato.

Xeeldheerayaashu waxa ay ku taliyeen in qofka kaneecadu dhibta badan ku haysaa uu raaco talooyinkan oo ay la tahay in ay ka ilaalin doonaan ama aad uga yarayn doonaan qaniinyadeeda xanuunka badan.

– Ku maydho shaambo ama saabuun jidh, waayo urta shaambooga ama saabuuntu waxa ay yarayeenaan urta jidhka ka soo baxaysa, taas oo qofka ka ilaalinaysa in kaneecadu soo raadsato.

– Cadarka. Waxa uu cadarku qariyaa uta jidhka oo uu ka awood badan yahay, sidaa awgeed kaneecadu waa ay ku jaahwareeraysaa urta ay raadinaysaa halka ay ka imanayso.

– Marawaxaddu waxa ay kala firdhisaa urta jidhka ka soo baxaysa taas oo keenta in kaneecadu ay fahmi kari weydo jihaa ay urtu kaga imanayso, sidaasna ku seegto qofka.