Muraayad Indhaha Lagu Xidho Oo Tuugta Wejigooda Ka Qarin Doonta Kamaradaha Ku Xidha Goobaha Ay Xadayaan

0
704

Washington (Geeska)- Haayadaha ammaanka iyo sugidda nabadgelyada ee meelo badan oo dunida ka mid ah ka jira ayaa si isku mid ah uga cawday muraayad kuwa indhaha lagu xidho ah oo marka ay kamaraddu qabato bixinaysa ilays humaag-noqod ah oo sababaya in sawirka soo baxayaa muujin kari waayo muuqaalka qofka.

1

Muraayaddan oo aan weli si rasmi ah suuqyaa loo soo gelin, balse lagu jiro ururinta maalgashigeeda ayaa waxaa walaac ku abuurtay shirkadaha soo saara kamaradaha ilaalada goobaha muhiimka ah loo adeegsada, iyaga oo u arka in wax-soo-saarkani ku kallifi doono in ay dib isugu noqdaan oo wax-ka-beddel ku sameeyaan samayska muraayadda si ay u isugu dayaan suurtogelinta in isha kamaradahoodu ka gudubto ilayska humaag-celiska ah ee muraayaddan si ay u sawiraan wejiga qofka ee ka sii dambeeya.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in muraayadani ay awood u leedahay in ay khalkhaliso qalabka dareenkaee kamarada wax lagu ilaaliyo, oo ku shaqeeya fallaadaha infrared rays ka loo yaqaanno. Waxa aanu intaas ku sii day in qiimaha muraayaddani uu noqon doono inta u dhexeysa 95 illaa 125 doolarka Maraykanka ah.

Muraayaddan u samaysan in ay tirtirto suuradda wejiga qofka xidhan xitaa marka ilayska la yareeyo si humaag celisku u yaraado, ayaa leh dhinacyo wanaagsan oo loo isticmaali karo, waxa aana ka mid ah in habeenkii si fiican wax  loogu arki karo, gaar ahaa ay caawinayso dadka mootooyinka iyo baaskiillada kaaysta.

Qolyaha wada qorshaha samayntan ayaa iyagu ku doodaya in muraayaddu aanay ahayn mid tuugta oo keliya caawinaysa, balse laga eego dhinacyada kale ee ay qofka ka caawinayso oo ay ka mid tahay in habeenkii si fiican wax loo arko iyo in sawirqaadayaasha faduuliyiinta ah lagaga dhuunto si aanay dadka caanka ah wejigooda sawir ugu xadi karin.