Sababta Daaqada Diyaaradda Aan Loogu Beegin Kursigu Lama Xidhiidho Badqabka Rakaabka Iyo Quruxda Diyaaradda

0
967

London (Geeska)- Maalin kasta adduunyada waxaa isaga goosha ku dhowaad 102 kun iyo 464 duulimaadyo ganacsi ah, taas oo tirada dadka sannad kasta safar cirka ah gala k aka dhigaysa Afar Bilyan oo ruux. Haddii si kale aynu u dhigno celcelis ahaan dadka safarrada cirka ah galaa waxa ay u dhigmaan in ka badan kala badh tirada dadka dunida ku nool ay sannadkii safar diyaaradeed galaan.

Haddaba dad badan oo diyaaradaha ku safra ayaa is weydiiya sababta daaqadda yar ee diyaaradda aan loogu beegin kursiga u uqofku ku fadhiyo? Waxa ay dadka qaar ka fikiraan bal in arrintani ay xidhiidh la leedahay dhinaca badbaadada qofka rakaabka ah ee kursiga daaqadda xiga fadhiisanaya? Qormadan uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay shabakadda wararka ee Alcarabiya kaga jawaabtay su’aalahaas oo ay sheegtay ugu horreynba in aanay arrintani xidhiidh la lahayn badqabka rakaabka.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in ujeedadu aanay ahayn sida uu qofku marka hore u qaadanayo ee ah in badqabkiisa laga talinayey markii daaqadda iyo kursiga la kala leexiyey, balse ay tahay arrin la xidhiidha ganacsi iyo faa’ido doon. Sida caadi ahaan aynu fahmi karno mar kasta oo kuraasta diyaaradda gudaheedu ay sii bataan waa mar kasta oo dakhliga rakaabka halkii mar diyaaradda fuula ka soo baxayaa uu sii bato. Taasi waxa ay kalliftay in diyaaradad gudaheeda kuraasida aad loogu badiyo oo weliba la isu dhoweeyo, taas oo meesha ka saaraysa in kursi kastaa uu daaqad u gaar ah ama laba helo, sidaa awgeed waxa uu qorshu yahay in daaqad kasta ay wadaagi karaan laba kursi oo kala dambeeyaa.