Diirka Cambe Lafku Waxa Uu Ka Hortagaa Kansarka, Waxa Uu Daweeyaa Macaanka, Waxa Aanu Xoojiyaa Xusuusta

0
1106

Washington (Geeska)- Cambe Lafka ama cambe maangaha hadba sida loo yaqaanno ayaa dhadhankiisa xiisaha gaarka ah leh waxaa u dheer in uu jidhka u leeyahay faa’iidooyin badan oo caafimaad. Waxaa ka mid ah faa’iidooyin aanay dad uga faa’idaysan oo laga helo diirka cambahan ee la iska dhilo.

Cilmibaadhiso ay samaysay kuliyadda dawooyinka ee jaamacadda Queensland oo ku taalla dalka Ustareeliya ayaa lagu ogaaday in diirka cambe lafka ay ku jiraan faa’idooyin caafimaad oo u dhigma ama xitaa ka badan faa’idada dhinaca caafimaad ee cambaha laftiisu uu leeyahay. 

Waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in diirka sare ee cambe lafka ay ku jiraan maaddooyin ka hortaga in unugyo dufan ahi ku samaysmaan jidhka. Arrintaas oo ah hab caafimaad ahaan aamin ah oo miisaanka dhima isla markaana ilaaliya in aanu kordhin. Waxa kale oo cambe lafka ku jira xaddi aad u badan oo ah isku-dhisyo iyo curiyeyaal nfaqo iyo faytamiinno kaalin mug leh ka qaata daweynta xxanuunno badan iyo xaalado badan oo caafimaad darro.

Waxa ay cilmibaadhisu xaqiijiyeen in cambe lafka oo diirkiisuna ku jiro laga helo Faytamiinno aad u xoog badan oo ay ka mid yihiin C, A, E, K iyo B6 iyo sida oo kale macdanno ay ka mid tahay xadiidku (Iron).

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya waxa kale oo ay khubaradu ku sheegeen in cambahan laga helo maaddooyin badan oo liddi ku ah mariidka / sunta cuntada ka samaysanta, maaddooyinkaas qaarkoodna ay ka hortag u yihiin dhammaan noocyada kansarka, maadaama oo ay diidaan ama la dagaalamayaan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo Free radicals ka oo sababa kansarka. Waxaa intaas sii dheer in maaddooyinkan ku jira cambe lafka qaarkood ay la dagaalamaan gabowga iyo calaamadihiisa, xaglo xanuunka iyo lafo xanuunka xoojiyaanna hab-dhiska difaaca jidhka iyo awooddiisa uu iskaga celin karo in ay u soo gudbaan fayrasyada xanuunnada sababaa. Faa’idooyinka tirada badan ee cambe lafka waxa kale oo aynu ka xusi karnaa in uu dawo ka noqon karo cudurka macaanka iyo in uu xasuusta xoojiyo.

Si kastaba ha ahaato ee faa’idooyinkaas badan ee diirka cambe lafka waxaa garab socda in dadka qaar uu diirkiisu ku keeno xasaasiyad, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku bilowga hore in yar ka cuno oo uu tijaabiyo in uu xasaasiyad ku yeesho iyo in kale, muddana uu intaa yar uun dhadhamiyo si uu u hubiyo.