Marwada Koowaad Ee Gobalka Miane Waa Mudalab Hudheel Waxa Aanay Ka Warrantay Sababta Ku Kalliftay Shaqadan

0
865

Washington (Geeska)- Xaaska guddoomiyaha gobalka Maine oo ah gobalka cidhifka woqooyi-bari ugu xiga dalka Maraykanka ayaa ku shaqaysata mudalabnimo, laakiin dad badan ayaa ay arrintani ku abuurtay faduulnimo ay doonayaan in ay ku ogaadaan waxa marwada koowaad ee gobalka ku kallifay shaqadan hoose.

Marwo Ann LePage waxa ay ka shaqaysaa hudheel cunto oo dalxiisayaasha loogu talagalay, waxa aanay shaqadan u gashay si ay u kabto kharashka qoyskeeda uguna suurtogasho in ay lacagi u dhiganto qoyska si ay u iibsadaan gaadhi cusub, maadaama oo mushaharka guddoomiyenimo ee odaygeeda oo ah 70 kun oo doolar sannadkii aanu ku filnayn in uu wada daboolo kharashka guriga iyo dhigaalka.

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey degelka New York Daily News ayaa ay Marwo Ann shaqadeedan ku sababaysay lacag raadis, iyada oo aad u ammaantay shaqadan ay ku qanacsantay. Waxa se ay sheegtay in dadka macaamiisha ah qaarkood ay ka yara xumaadaan marka ay arkaan Marwadii koowaad oo hudheel mudalab ka ah, mar ay marwadu ka jawaabaysay sababta ay u malaynayso in dadka qaar shaqadan ugu diidan yihiinna waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Maadaama oo aan ahay xaaskii guddoomiyaha gobalka, waxa ay dadku iga filayaan shaqo tan ka duwan”

Dhinaca kalana guddoomiyaha gobalka Paul LePage oo ka hadlay shaqada xaaskiisa ayaa muujiyey sida aanu isagu wax dhib ah ugu arkayn, isaga oo caddeeyey in inantiisa ay isla xaaskiisani u dhashay qudheeduna sannadkii hore mudalab hudheel mar ahayd oo saacaddii ay shaqaysan jirtay lacag dhan 28 doolar.