Sababta Asiidhka Caloosha Ka Soo Noqda, Laab-Dillaaca Iyo Dibbirada

0
625

London (Geeska)- Asiidhka ama biyahaas kulul ee dhuunta caloosha kaga soo noqdaa waa digniin uu jidhku kugu dareensiinayo in ay wax qaldan yihiin. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo akhriyey degelka Internet ka ee Human and Health oo ka faallooda arrimaha caafimaadku waxa uu iftiiminayaa muhiimada ay asiidhka calooshu leedahay iyo sida loo tijaabiyo loona cillad tiro heerka asiidhka caloosha.

– Sigaar nuugistu waxa ay dhaawacdaa qaybo badan oo ka mid ah hab-dhiska dheefshiidka, waxa aanay hoos u dhigtaa xawaaraha iyo awoodda ay calooshu u leedahay is-daweynta iyo baanashada nabarrada soo gaadha dahaadhka caloosha.

Marka qof asiidhka calooshiisa oo yar uu cuno dawada antacid ka, waxa dhimanaysa awooddiisa dheefshiid iyo difaac.

Marka cuntadii caloosha ku jirtay ay sidii ku habboonayd u burburi weydo, waxa uu jidhku waayaya walxo nafaqo oo jidhku u baahnaa, taas oo iyaduna keenaysa in uu daciifo hab-dhiska difaaca ee jidhku, waxa aanu u nuglaanayaa cudurrada oo dhan. Ka badbadin ma’aa in la yidhaado midhicirku waa mid ka mid ah marinnada ugu muiimsan ee caafimaadkaagu ku xidhan yahay. Asiidhka caloosha ayaana ka mid ah difaaca ugu horreeya eek a ilaaliyoa cudur-sidayaasha iyo Bakteeriyada. Tusaaale ahaan Bakteeriyada ay dadkeennu sida aadka ah uga cawdaan ee H. Pylori waxaa burburisa asiidhka caloosha. Haddii Bakteeriyada H. Pylori ay weydo asiidhka burburinaya waa ay weynaanaysaa, waxa aanay aakhirka sababtaa nabar calooleed.

– Waxaa jira calaamado badan oo lagu garan karo marka ay Asiidhka calooshu yar tahay, waxaa ka mid ah in qofku marka uu dheregsan yahay ee uu jiifsado ama xitaa mararka qaarkood isaga oo fadhiya asiidh / biyo kulul oo dhuuntiisa soo istaagaya iyaga oo dhinaca caloosha kaga yimid, dibbiro, calool istaag joogto ah iyo laab-olol /laab dillaac. Waa run in xaaladaha aynu soo sheegnay sidoo kale ay sababtoodu noqon karto xanuunno kale, laakiin waxa muhiim ah in marka ugu horreysa ee xaaladahan aad isku aragto in aad hubiso heerka asiidhka calooshaada.