Laba Caado Ayaa Burburiyey Nolosha Albert Oo Ahaa Dhalinyaro Ciyaaraha Muruqa Caan Ku Ahaa

0
705

1London (Geeska)- Albert oo ahaa 39 sano jir waxa ay noloshiisu gebi ahaanteedba is beddeshay markii uu ku dhacay cudurka Kansarka oo sababtiisu sida ay dhakhaatiirtu ugu sheegeen ahayd dawooyinka jidhka firfircoonaysiiya iyo sharaabta tamarta kordhiya oo uu si aad ah u isiticmaali jiray, isaga oo doonaya in jidhkiisu noqdo mid firfircoon oo

dhisan, muruqyadiisuna aad u weynaadaan. Waxa uu caado ka dhigtay in uu maalin kasta cunto iyo cabbitaanno badan isticmaalo, gaar ahaan in jidhkiisa ay galaan Kalooris ka badan 10 kun, taas oo ah tiro aad uga badan inta ugu badan ee qofka qaangaadhka ahi maalintii isticmaali karo, waxa kale oo uu joogto u cabbi jiray ugu yaraan 8 quraaradood oo sharaabka tamarta kordhiya ah, isaga oo doonaya in uu jidhkiisu firfircoonaado awgeed. Laakiin natiijada u soo baxday waa ay ka duwanaatay tii uu filayey.

Sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika turjumay oo wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriisku uu daabacay Albert sida sawirradiisanba ka muuqata waxa uu lahaan jiray muruqyo aad u waaweyn, waxa aan jeclaa in uu sii dhiso oo uu noqdo horyaal ay ku daydaan dhalinyarta da’idiisa ah ee jecel muruqyada waaweyn, laakiin nasiibdarro humaaggii uu maskaxda ku haystay ee ahaa horyaalnimada jidh dhamaystiran waxa ay ku dambaysay qiso aad u murugo badan. Haddii uu shalay xayeysiin jiray cabbitaannada iyo sharaabbada tamarta kordhiya ama muruqyada dhisana, maanta waxa uu kow ka yahay liiska dadka ka diga isticmaalkooda.

Muddo sannado ah oo uu isticmaalayey dawooyinka iyo cabbitaannada dhisa muruqyada, qaybo jidhkiisa ka mid ahna uu dhuubayey si qaarka sare uu ugu weynaado, waxaa aakhirkii ku dhacay cudurka Kansarka ee beerka ku dhaca, waxa aanay dhakhtarku u xaqiijiyeen in sababtiisu ay tahay dawooyinkaas iyo cabbitaannadaas. Aakhirkiina Albert waxa uu cudurkaas u dhintay isaga oo aad u taagdaran, muddadii uu cudurkani hayeyna caafimaadkiisa iyo daryeelkiisa ku bixiyey dhammaan wixii uu adduun magaca ku helay marka hore.