Sigaar Nuuge!, Maxaa Aad Ka Taqaannaa Maaddooyinka Khatarta Ah Ee Jira Wedkaaga Aad Debnaha Ku Hayso?

0
676

Washington (Geeska)- Daraasad cusub ayaa daahfurtay in dadka sigaarka nuuga badankoodu aanay waxba ka ogeyn waxyaabaha uu xaqiiqo ahaan ka kooban yahay sigaarku marka laga reego in ay ku jirto maadadda Nicotine ee caafimaadka u darani, taas oo ka mid noqon karta sababaha aanay dadku inta badan ugu baraarugsanayn khatarta uu u leeyahay caafimaadkooda.

Digtoor Kurt Rebisy oo ka tirsan xarunta daraasaadka Kansarka ee Weinberger Comprehensive Cancer Center oo ay leedaay jaamacaddA North Caroline ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in 7 oo ka mid ah walxaha kala duwan ee uu sigaarku ka samaysan yahay 93 ka mid ah ay si gaar ah u yihiin sun aad u khatar badan. Waxa aanu tusaale u soo qaatay maaddooyinka kiimikaad ee Arsenic oo keenta wadne xanuun, iyo Formaldehyde oo sababta kansarka dhuunta ku dhaca, labaad maaddo oo ku jira walxaha uu sigaarku ka samaysan yahay.