Sababaha Cudurrada Wadnaha Ku Dhacaa Ay Dumarka Ugu Bataan: Qaangaadhka Soo Dhaqsada, Hargabka Badan, Dawooyinka La Isku Dhuubo (Q.1aad)

26
3558

Hargeysa (Geeska)- Xanuunnada wadnaha ku dhacaa waa sababta koowaad ee ay dadka dunida ku nooli u dhintaan, rag iyo dumar labadaba. Sida ya sheegtay hay’adda caafimaadka adduunkuna, malaayiin dumar iyo rag ah oo daafaha dunida ku kala nool ayaa sannad kasta u dhinta sababta xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in xanuunnada wadnuhu ay dumarka ku badan yihiin marka la barbardhigo ragga, si la mid ah sida ay ragga ugaga badan yihiin buurnida, macaanka, keliyaha oo fadhiista, qulubka iyo xanuunnada nafsiga ah iyo dhiigfuranka maskaxda.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo ay shabakadda Alcarabiya ka soo xigatay degelka ‘Boldsky’ oo ka faalloda arrimaha caafimaadka, waxaa jira sababo door ah oo loo tirinayo in ay keenana in gabadhu ay ninka kaga badato xanuunnada ku dhaca wadnaha, waxa aana sababahaas ka mid ah:

– Qaangaadhka oo ku soo degdega: Caadi ahaan qaangaadhka cilmigu si ka duwan qaangaadhka sharciga waxa uu ku xidhan yahay hadba goorta uu wiilku helo ragannimada ama inantu dhiigga caadada hesho, waxa aana marar badan dhacda in da’da lagu yaqaanno ee 15 illaa 16 ka hor xay xaaladdani dhacdo. Waxa aanay si gaar ah ugu badan tahay dumarka.

Haddaba xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in mar kasta oo gabadhu da’ yar ku qaangaadho, ay sii badanayso fursadaha ah in mustaqbalka uu wadne xanuun ku dhaco. Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dumarka caadada hela 12 jirka ka hor ay si weyn khatar ugu jiraan in ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha, oo xitaa ay kaga badan yihiin dumarka iyaga oo hal sano oo keliya ka weyn (13 jir) caadada hela.

Dhakhaatiirtu waxa ay arrintan ku sababeeyeen in qaangaadhka oo dumarka ku soo degdegaa uu sababo hormoonka dheddiga ee Estrogen  oo jidhka ku bato, sida la ogyahayna badashadaasi waxa ay keentaa xinjirowga dhiigga maraya xididdada wadnaha waraabiya.

– Hargabka aadka u xun: Sida ay xeeldheereyaasha caafimaadku xaqiijiyeen, hargabka daran oo qofka ku soo noqnoqdaa waxa ay kordhisaa fursadaha ah in uu wadne xanuun ku dhaco, gaar ahaan marka uu hargabku caabuqa keeno. Caadi ahaanna dumarka ayaa ragga uga nugul hargabka.

Hargabka waxaa sababa bakteeriya iyo fayras  khatar ah oo awood u leh in uu u gudbo wadnaha, sababna u noqdo qaar ka mid ah xanuunnada khatarta ah ee wadnaha ku dhaca. Sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan haddii hargab xumi kugu dhaco in aanad dhayalsan, oo aad dhakhso dhakhtar ula tashato.

– Dawooyinka la isku dhuubo: Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isaga marag kacay in inta badan ee dawooyinka loo isticmaalo is dhuubistu aanay keenin natiijadii laga rabay ee dhuubista ah, balse ay taas beddelkeeda sabab u noqdaan dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca wadnaha ah.

Dhibaatooyinka ay keenaan waxaa ka mid ah, dhiigga oo kaca iyo garaaca wadnaha oo inta dabiiciga ah ka bata, taasina ay riiq xun ku yeelato wadnaha. Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay ka digayaan in la cuno kiniinnada la isku dhuubo ama ugu yaraan in muddo dheer  cunistooda la wado, si aanay wadne xanuun u keenin.

– Uuurka: Waxaa run ah in uurku uu culays badan ku keeno wareegga dhiigga, taas oo keenta in wadnuhu xilliga uurka culays iyo daal badan oo gaar ahi ku dhaco. Waxa ay khatartani sii korodhaa marka hooyada uurka lihi ay qabto xanuunnada ay ka mid yihiin, macaanka uurku keeno  (Pregnancy diabetes), dhiigkarka, mariidka uurka (Sumowga uurku sababo), xaaladahani dhammaantood waa calaamado khatar muujinaya oo inoo sheegaya suurtagalnimada in hooyadu ay mustaqbalka wadne xanuun yeelato.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here