Sucuudiga Oo Markii Ugu Horreysay Taariikhda Qabtay Taranka Orodka Maradoonka Oo Dumarka U Gaar Ah

54
4435

Riyaad (Geeska)- Hablo Sucuudi Carabiya u dhashay ayaa maalinnimadii sabtidii si aad u tiro badan isugu soo baxay fagaare ku yaalla degmada Alxasaa ee boqortooyada Sucuudiga si ay uga qaybqaataan tartan orod furan ah ‘Maradoon’ oo 1500 oo gabdho dhalinyaro ahi ay ka qaybgalayeen.

Orodkan Maradoonka ah ayaa waxaa koobkiisa qaaday gabadh lagu magacaabo Musnah Annasaar oo ku guulaysatay in ay masaafad 3 kiloomitir ah oo orodku ahaa kaalinta koowaad ku qaaddo shan iyo toban daqiiqo. Maradoonkan oo ay maamulaysay hay’adda hay’adda isbooritga ee dalka Sucuudiga ayaa shuruudda hablaha ka qaybgalaya lagu xidhay waxaa ka mid ah in ay u labbistaan qaab waafaqsan shareecada islaamka iyo in guud ahaan munaasabaddan laga dhowro wax kasta oo ka hor imanaya shareecada. Dumarka waxaa laga rabay in ay xidhaan cabaayado asturan, isla markaana ya madaxa asturtaan.

Saacado yar kaddib markii ay guddida maamulaysay orodkani ku dhawaaqday in ay diiwaangelinayso dumarka tartanka ka qaybgalaay, ayaa ay si dhaqso ah diiwaangelintii u joojisay kaddib markii ay saacadihii u horreeyey tirada dumarka is qorayey gaadhay 2 kun. Taas oo calaamad u ahayd xiisaha xad dhaafka ah ee ay dumarka dalkaasi u qabaan in ay ka qaybgalaan isboortiska iyo arrimaha bulshada oo marka hore si aad ah ay uga fogaayeen.

Maalik Xuseen oo ahaa kormeeraha guud ee Maradoonkan ayaa caddeeyey in tartankan ay qabteen uu qayb ka yahay qorshe lagu xoojinayo ciyaarta orodka, laguna faafinayo bulshada fahamka faa’iidooyinka ay ciyaaruhu u leeyihiin dadka oo dhan, si nolo caafimaad qabta loo helo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here