Saadaashii Michel Nostradamus Ka Sheegay Sannnadka 2017 ka (Q. 5)

0
629

Saadaalo kale iyo sannadka 2017

Marka aynu ka nimadno saadaasha Nostradamus waxaa sannad kasta dhacda in boqollaal faaliyeyaal iyo xiddigiyeyaal dunida ku filqan ahi ay sii saadaaliyaan waxa ay la tahay in uu sannadka cusubi la curan doono. Waxaa iyaguna jira xeeldheerayaal dhacdooyika darsa oo lafa-gura kadibna kala soo baxa qiyaasta jihada uu xaalku u socon doono dhacdadaas kadib, waxa ay qolada hore kaga duwan yihiinna waa in inta badan saadaashoodu ay leedahay sabab ay u cuskanayaan oo haddii lagala doodo ay sheegi karaan sababta ay u filayaan dhacdadaas, halka qolada xiddigiska iyo faalku ay keliya sheegi karaan waxa ay saadaalinayaan oo aanay ku xidhayn xujada ay u cuskanayaan iyo sababta ay ugu maleeyeen in sidaa uu xaal noqon doono, waxa kale oo ay qolada dambe kuwaas hore kaga duwan yihiin waa in saadaashoodu ay leedahay waqti xaddidan oo aanay sida saadaasha ahayn mid furan oo qarniyo iyo xitaa tobannaan sano kadib sii sheegaysa waxa dhici kara. Qaybtan hoose ee qormadeenna waxa aynu ku eegayaa saadaasha ku salaysan fikirkaas dambe ee warbaahinta kala duwani ka  qortay waxa sannadka 2017 la filan karo:

Carabta:

– Woqooyi Afrika: Sannadka 2017ka waxaa la saadaalinayaa in gobalka woqooyiga Afrika oo Carabta looga yaqaanno galbeedka Carbeed, uu waajahi doono xasilooni darrooyin siyaasi ah oo kala duwan. Tusaale ahaa in ay ka dhici doonaan dhacdooyin lula ama xujo culus ku noqda amniga iyo deggenaanshiyaha dalalkan oo imikaba ay ka jirto xasilooni darro badan oo la soo bilowday kacdoonnadii gu’ga carabta ee ka bilowday dalka Tuuniisiya.

– Waxaa jirta cabsi bada oo laga qabo in sannadkan ay isku dhici doonaan dalka Marooko iyo jabhadda gooni-goosadka ah ee Polisario. Labada dhinac oo dagaallo badani hore u dhex mareen ayaa aakhirkii sannadkii 1991kii isla qaatay xabbad joojin ay Qaramda Midoobey ka soo shaqaysay, oo loogu talogalay in muddo loo cayimay kadib dhulka saxaraha Polisario laga qabto afti dadweyne oo ay dadka deegaankaasi go’aan ka gaadhaan ka sii mid ahaanshaha dawladda Marooko iyo ka go’i taankeeda.

Aftidaasi ma’ay dhicin, waxa aanay u muuqataa in bulshada caalamku ku qasbi kari weyday dalka Marooko in aftidaas la qabto, muddooyinkii dambana qadiyadda dadka Polisario waxaa indhaha dunida ka jeediyey xasilooni darrada iyo xaaladaha sida xawliga ah isu bed-beddela ee dunida ku soo kordhay. Sidaa awgeed dad badan ayaa iyaga oo ka qiyaas qaadanaya xaaladda hadda jirta iyo dhinaca geeddigu u jihaysan yahay waxa ay aaminsan yihiin in sannadka 2017ka ay adag tahay in ay labadan dhinac dagaal isla gafaan. Waxaa iyaguna  colaaddan dhinac kaga jira dalalka Muritaaniya iyo Aljeeriya oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedaan dalka Marooko. La soco..