Dadka Isticmaala Android Ayaa Ka Fariidnimo Badan, Kana Been Iyo Kibir Yar Kuwa La Midka Ah Ee Isticmaala Iphone Ka

0
690

London (Geeska)-  Cilmibaadhis cusub oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Lincoln iyo Lancaster ee dalka Ingiriiska  ayaa daahfurtay in dadk isticmaala talefannada gacanta ee iPhone ay u badan yihiin dad runtoodu yar tahay, inta badanna si kor-ka-xaadis ah uga hadla ugana hawlgala arrimaha u yaalla, marka la barbar dhigo dadka isticmaala talefannada gacanta ee ku shaqeeya barnaamijka Android oo uu ka mid yahay talefanka SAMSUNG.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegaya in tijaabo ay ku sameeyeen 530 ruux sanndihii 2015 iyo 2016 iyaga oo dadkan oo sitay talefanno ku kala shaqeeya labada barnaamij ee Android iyo iOS (iPhone Operating System) weydiinayey tiro su’aalo la soo diyaariyey ah oo ku saabsan talefankooda iyo shucuurtooda. Natiijadii ka soo baxdayna waxa ay muujisay in talefanka gacantu uu noqon karo ishaaro wax-ku-ool ah oo loogu qiyaas qaadan karo dabeecadda qofka adeegsanay.

Daraasaddan oo dad badan u qaadan waa ku noqotay isla markaana abuurtay doodo xiise leh ayaa ku doodaysa in si la dareemi karo ay u kala dabeecad duwan yihiin dadka adeegsada iPhone ka iyo kuw isticmaala talefannada ku shaqeeya Android ka.

Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey shabakadda wararka ee Huffington Post ayaa intaas ku dartay in sidoo kale la ogaaday in dadka isticmaala talefanka gacanta ee iPhone ay celcelis ahaan ka da’ yar yihiin, kana furfuran yihiin kuwa isticmaala kuwa isticmaala Android. Waxa kale oo daraasaddani iftiimisay in ragga iyo dumarka marka la eegana dumarku ku badan yihiin isticmaalka iPhone ka, kuwaas oo dhammaantood si gaar ah u daneeya talefanka gacanta kana aaminsan in uu qayb ka yahay sarrayntooda bulshada dhexdeeda.

Daraasaddani waxa ay hoosta ka xariiqday in ay jiraan kala duwanaanshiyo badan oo dhinaca shakhsiyadda ah oo u dhexeeya dadk isticmaala talefannadan kala duwan, gaar ahaanna la ogaaday in dadka adeegsada talafanka iPhone ay beenta iyo kibirkaba kaga badan yihiin kuwa la midka ah ee isticmaala talefannada ku shaqeeya Android ka. Laakiin ay ku badan yihiin dhinca qiirada iyo kalgacalka.

Ugu dambayntii daraasaddani waxa ay iftiimisay in dadka adeegsada talefannada ku shaqeeya Android marka la barbar dhigo kuwa isticmaala talefannada ku shaqeeya Android in ay da’ ahaan weyn yihiin, runtu ku badan tahay, dad aqbalkoodu furan yahayna ay yihiin, sidoo kale waxaa dadka ku yar jebint xeerarka iyo shuruucda loo dejiyo iyaga oo keliya u jeeda in ay gaadhaan dano u gaar ah, waana dad aan danayn maalqabeennimo iyo in ay adduun badan helaan.

Daraasaddan waxaa si rasmi ah bishii Sagaalaad ee sannadkan dabayaaqada ah loogu soo bandhigay shirweynaha sannadlaha ah ee ay sannad kasta isugu yimaaddaan xubnaha jimciyadda dhakhaatiirta ku xeeldheer cilminafsiga iyo cilmiga bulshada ee dalka Ingiriiska.