Saadaashii Michel Nostradamus Ka Sheegay Sannnadka 2017 ka Faalliyuh waa beenaale xitaa hadduu run sheego … (Q. 2)

0
932

Saadaalaha dad badani aaminaan in ay rumoobeen ee Nostradamus muranka iyo doodaha iska soo horjeeda ee ay abuuraan kuma koobna saynisyahannada iyo dadka aaminsan aragtida garab-salaaxda oo keliya, balse waxa uu sidoo kale murankoodu gaadhaa boqorrada iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha, kaniisadda iyo taliyeyaasha sare ee ciidamada, gaar ahaan marka ay saadaashu la xidhiidho kursi hayn, dhaxlid boqortooyo, geeri boqor, ciidan la jebinayo iyo arrimaha la hal-maala. Marka aynu is dul taagno arrimaha saadaashooda aadka loogu xusuustana waxaa ka mid ah:

Saadaashii Henri-gii afaraad

Sannadkii 1550kii, ayaa Nostradamus waxa uu u guuray magaalada Salon ee dalka Farasiiska, halkaas oo uu si rasmi ah uga bilaabay qorista saadaashiisa. Haddaba Nostradamus intii uu joogay magaalada Salon waxaa ka dhacay arrin yaab lahayd.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu qoys ka dalbaday in ay tusaan bar yar oo uu ku arkay wiil ay dhaleen, laakiin wiilkii ayaa inta uu khajilay ka orday. Nostradamus wiilkii yaraa inta kagama uu hadhin ee waxa uu hooyadii ku qanciyey in ay tusto bartaas wiilkeeda ku taalla, dalabkaas oo ay hooyadiii aqbashay kadib markii ay Nostradamus tustay barta wiilka yar oo hurda. Markii uu eegay bartiina waxa uu sheegay in wiilkan yari uu maalin maalmaha ka mid ah noqon doono boqor. Haweenayda hooyada u ahayd wiilkan yar oo isaga iyo wiil kale lahayd iyo xitaa dadkii kale ee qisada la socday wax-ka-soo qaad lama uu yeelan hadalka Nostradamus, laakiin sheekadu waxa ay dib xusuusta ugu soo noqotay diiwaannada taariikhdana gashay markii wiilkii yaraa ee Henri uu oqday boqor Henri-gii afaraad ee dalka Faransiiska.

Sababta uu Nostradamus caanka uga noqday dunida maanta

Waa run in Henri uu maanta sii mootan yahay ku dhowaad Shan Qarni, dad badan oo caan ahaa xilligiisii iyo kadibna ay xusuusta aadamaha ka baxday, haddaba waxaa laga yaabaa in dad badani ay is weydiiyaan sababta uu caan uga dhex noqday ummado ay boqolaal sano u dhexeeyeen iyo xusuusta kalliftay in mar kale taariikhdiisa dib loo eego.

Xilliyadii uu Nostradamus noolaa iyo sannadihii ku dhowaa aad ayaa uu caan uga dhex noqday dunida oo dhan, sababtuna waxa ay ahayd saadaashiisa dad badani u arkeen in ay rumowday, laakiin casriyadii dhexe ee xasiloonida siyaasiga ah ee badani dunida ku faaftay waxaa aad u yaraaday dhacdooyinka dadka xasuusin lahaa hadallada saadaasha ah ee laga sheego Nostradamus. Dhacdooyinka dunida maanta ka dhaca ee xusuusta Nostradamus innagu soo celiayana waxaa ka mid ah:

Jabkii Hitler

Magda Goebbels oo ahayd xaaska wasiirkii barabogaandada iyo faafint dacaayadaha u danta ah Hitler iyo dawladdii Naasiga xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku oo magaciisu ahaa Joseph Goebbels ayaa qisaska yaabka leh ee laga sheego wxaa ka mid ah in maalin maalmaha ka mid ah oo ay aad u akhriday diiwaanka saadasha ee Nostradamus, iyada oo argagaxsan ay toosisay odaygeeda oo hurda, waxa aanay u sheegtay in Nostradamus uu saadaaliyey in dawladda Hitler laga xoog badnaan doono. Goebbels oo qudhiisu aad uga naxay riyadan ayaa markiiba bilaabay ol’ole dacaayado faafin ah oo uu doonayo in dadka uu dhacsiiyo wax ka duwan waxa uu Nostradamus saadaaliyey. Waxa uu adeegsaday faaliye caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Kraft, waxa aanay ujeedada wasiirku ahayd in uu dadka Yurub oo xilligaas si aad ah u akhriyey buuggan saadaasha Nostradamus uu maskaxdooda kala dagaalamo in ay aaminto saadashaas. Laakiin mar dambe waxaa caddaatay in Kraft qudhiisuba aanu ahayn faaliye xariif ah oo iskii wax u keeni kara ee ninkan Nostradamus ee loo diray in uu saadaashiisa la dagaalamo uu soo akhriyo uun buuggiisa kadibna wax ka beddelo, sidaansa uu ku noqday faaliye caan ah iyaga oo dadku moodaya in waxa uu sheegayaa yahay wax maskaxdiisa k yimid.

Aakhirkii waa tii la jebiyey Jarmalkii Hitler iyo xulafadiisii, taas oo mar kale ay dad badani marag uga dhigteen saxnaaanta saadaashii Nostradamus  ee sheegaysay in Yurub uu ka soo bixi doono hoggaamiye awood badan oo dunid oo dhan qabsada, laakiin haddana si fool xun loo jebin doono.

Nostradamus oo qol gurigiisa ka mid ah ka dhigtay maktabad weyn oo kutub uu daalacdaa ka buuxdo, dabeecadaha aan illaa hadda la fahmin ee lagu arki jiray waxaa ka mid ah, in habeenkii oo dhan uu ku soo jeedo akhris iyo qoraalka saadaashiisa. Waxaa yaab iyaduna leh in Nostradamus marar badan lagu arkay dabeecad ah in uu muddo dheer ku mashquulsanaado buug qoraalkiisa, kadibn marka uu dhammaystiro ee laga filayo in uu daabaco oo dadku la’ arkaan, uu mar keliya buuggii oo aanu nuskhad ka reebin inta uu soo qaado gubi jiray.

Nostradamus qoraalladiisa saadasha ah waxa uu ku qoray ereyo macnayaal badan qaadanaya iyo hadallo ujeeddo badan ah. Sidoo kale waxa uu adeegsan jiray ereyo uu ka keenay afaf kala duwan oo ay ka mid yihiin, Talyaaniga, Giriigga, Latiiniga iyo kuwo qarniyo ka hor lagu hadli jiray. waxaa la sheegaa in sababta ugu weyn ee uu sidaa u yeelay ahayd in uu ka fogaado in dadku u arkaan in uu yahay faaliye. Sidoo kale waxa uu uga jeeday in uu abuuro xaalad aanay cid kastaa sahal ku fahmi karin ujeedkiisa ma haddii ay dhacdo in waxa uu sadaaliyey dhici waayo, aanay dadku u arkin beenaale, madaama oo aanu marka horeba si cad waxba u sheegin. Tusaale ahaan marka uu saadalinayo nink woodda badan ee Jarmalka ka soo bixi doona, dunida xoogga ku qabsn doona, waxa uu magaciisa ku sheegayaa Hester. Haddii uu rumoobo waa run oo waxa uun la odhanayaa sidii dhacdayba Hester kaas yaa Hitler uun looga jeeda. Haddii se’ ay beenoobi lahayd oo aanu Hitler soo bixi lahayn, dadku beenaale uma ay arkeen ee keliya waxa ay isku qacin lahaayeen in ay tahay saadaal aan weli rumoobin. La soco…