Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (9)

0
588

1Maxamed Abu Bakar iyo Turkiga

Xiddigiyaha carbeed ee Maxamed Abu Bakar ayaa ay la tahay in sannadka 2017ku uu noqon doono sannad aad ugu adag dalka Turkiga, isaga  oo madaxweyne Erdogan uu ku fashilmayo iskudayadiisa hadda socda ee uu doonayo in dalkiisu uu gobalka iyo dunidaba ka noqdo quwad siyaasi ahaan, dhaqaale ahaan iyo milateri ahaanba.

Maxamed Abu Bakar waxa uu saadaalinaya in xisbiga Erdogan ee talada dalka Turkigaa uu u kala jabi doono laba garab, awood darrada ku dhacda xisbiga caddaaladda iyo horumarkana ay ka faa’idaysan doonaan ciidamada dalkaas oo inta ay talada dalka soo farogeliyaan soo rogi doona xukun degdeg ah, tallaabooyinka ugu muhiimsan ee ay ciidamadu qasab ka dhigi doonaanna waxaa ka mid ah in dhammaan ciidamda dalkaas ee dalalka kale ku jiraa ay dib ugu soo noqdaan gudaha Turkiga. Waxa se’ uu ku andacoonaya in farogelintan ciidamadu aanay keeni doonin in xukunka laga wada tuuro Erdogan, balse ay ka dhigi doonto hoggaamiye aad u daciif ah oo awoodihiisuna xakamaysan yihiin. Waxa aana la dhisi doonaa xukuumad cusub oo aad uga sii furfuran tan hadda ee Rajab Dayib Erdogan hoggaaminayo, taas oo ogolaan doonta in dawlad Turki h laga dhiso xuduudkeed dhinaca Suuriya, sidoo kale waxa ay dawladdaasi ku guulaysan doontaa in ay xal u hesho dhibaatada dhex taallada xisbiga shaqaalaha ee Kurdistan, kadib marka uu xisbigu ogolaado in uu qaato mabda’a ah in aanu ka go’in Turkiga balse uu nidaam amni oo siyaasi ah uga mid noqdo nidaamka dalkaas.

Misheel Xaayik iyo Faransiiska:

Xiddigiyaha caanka ah ee reer Lubnaan, Misheel Xaayik ayaa saadaalinaya in sannadka 2017ku ka buuxo dhacdooyin iyo guulo uu madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande  gaadhi doono. Tusaale ahaan waxa uu noqon doonaa dhexdhexaadiye caalamiyaoo ka shaqeeya xal u helidda dhibaatooyin badan oo caalamiya,

Hollande waxa lagu wadaa in uu dib u soo ceshan doono taageeradii badnayd ee uu waayey, waxa aanu qaadi doonaa tallaabooyin adag oo uu uga gol leeyahay in aanu xisbiga dhinaca midigta xiga ee dalkaasi ku guulaysan doorashada. Laakiin dhinaca kalana waxa uu sannadkan soo saari doonaa shuruuc adag oo ka dhan ah kooxaha loogu yeedho islaamiyiinta xag-jirka ah. Waxa uu adkayn doonaa helidda jinsiyadaha waxa aanu qaadi doonaa tallaabo uu jinsiyadda kala noqonayo dad carab iyo guud ahaan muslimiin u badan jinsiyadda hore u qaatay. Sidoo kale  xabsiyada dalkaas lga buuxin doonaa dad badan oo muslimiin ah oo lagu soo eedeeyey tuhunno la xidhiidha argagaxiso halka masaajid badaa la xidhi doono. Iyada oo uu Faransiisku dadaalladaa badan ugu jiro sugidda amnigiisa ayaa haddana la saadaalinayaa in ay dhici doonaan falal argagaxiso oo sannadkan daciifiya dalxiiska dalkaas oo ka mid ah ilaha dhqaalaha. Waxa uu Misheel si gaar ah u saadaalinayaa in weerarrada lagu qaadayo Faransiisku noqon doonaan kuwo loo adeegsaday neefo kiimiko ah iyo sun.

Misheel Xaayik iyo Talyaaniga:

Sannadkan xaalad siyaasiya oo xasiloon ayaa loo filayaa dalka Talyaaniga, waxaa laga dareemi doona horumr dhaaale oo dhinca dalxiiska u badan, iyo xukuumad deggen oo ku dhisan aragti ah in milateri ahaan iyo siyaasad ahaan midna loo farogelin dunida kale.

Samiir Donb iyo Jarmalka:

Samiir Tonb oo ah xiddigiye caan ka ah dalka Lubnaan ayaa mar uu saadaalinayey waxa uga muuqday sannadka 2017ka waxa uu saadaaliyey in uu loollan adagi dhex mari doono dalalka Jarmalka iyo Faransiiska, iyada oo sababta ugu badan ee khilaafkuna noqon doonto labadan dal oo isku garbinaya midkooda hogaamin doona Midowga Yurub, bixitaankii Ingiriiska kadib.

Samiir waxa uu sheegay in dalka Jarmalku horumar ballaadhan ka samayn doono dhinaca dhaqaalaha, iyo milateriga illaa heer ay gaadho in wax-soo-saarka dalka ee dhinaca hubka uu kaga maarmo soo iibsiga saanadda iyo hubka ciidanka, iyo sidoo kale in uu raadiyo suuqyo dunida saddexaad ah oo uu hubka ka iibiyo.

Angela Merkel oo loo arko in haatan shacbiyaddeedu aad u hoosayso aya uu Samiir saadaalinayaa in ay awooddaa xisbigeeda ay sannadkan 2017 sii haysan doonto, suurtogalna y tahay in ay ku guulaysato abaal marin qaaliya oo ay ku mutaysatay sida fiican ee ay dalkeed u soo hoggaamisay.

Dhinaca kalana dalka Jarmalka ayaa u muuqda in sannadkan markii taariikhdiisa ugu horreysay uu geli doono dhinaca cilmibaadhista hawada sare, galabka lagu sahamiyo meerayaasha, iyo in uu Jarmalku isaga oo dalka Faransiiska kaashanaya uu ka shaqeeyo sidii hawada sare u tegi lahaa.

Layla Cabdalladiif iyo Maraykanka:

Dalka Maraykanka toddobaadadii u dambeeyey ay dadka oo dhami warwar ka qabaan mustaqbalkooda iyo sida uu xaalka dalku noqon doono marka uu xilka la wareego madaxweynaha talada loo doortay ee Donald Trump, ayaa xiddigiyaha weyn ee Layla Cabdalladiif oo u dhalatay dalka Lubnaan waxa ay ku doodaysaa in dadka Maraykan anay ku qanci doonin hoggaaminta Donald Trump.

La soco…………