Mid Ka Mid Ah Macaamiisha Somtel Oo Qorituur Ku Helay Gaadhi Casri Ah

0
585

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda somtel ayaa maanta Goob fagaare ah kusoo bandhigtay Qorituur aan noociisa hore loogu arag Somaliland.

1

Hadaba xafladaas oo xalay ka dhacday Damal hotel ayaa waxa kasoo qaybgalay Masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan oo markhaati ka ahaa habkii iyo hanaankii hufnaa ee qorituurkaasi u dhacay ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Madaxa waaxda Suuqgaynta Somtel Khadar Abdirahman Abdilahi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “  Salaan iyo mahad celin balaadhan ka dib shirkadda somtel waxa ay maanta halkan idiinku soo bandhigaysaa abaalmarintii ugu qaalisanayd sanadka taas oo ah afar gaadhi oo casri ah iyo waliba 90 Milyan oo shilling ka Somaliland ah hadaba maanta waxa ay shirkaddu bixindoontaa Gaadhigii koobaad oo ah MARKX kaas oo haba yaraatee shikadda somtel aanay ku xidhin wax shuruud ah waxa kaliya oo lagaa rabaa waa in aad tahay macmiil somtel ah oo isticmaala adeegyada shirkadda somtel, hadaba mardhaw waxa hortiina lagu wareejindoonaa Serverka Shirkadda somtel oo gacantiisa uu inoogu wareejindoono Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo aanu rabno in uu isagu gacantiisa ku dhaqaajiyo Serverka Shirkadda ee kala xulaaya Lambarada macaamiisha kala duwan ee somtel ee dhamaan Gobolada dalka oo dhan waxaanu wasiirku marka hore fahmidoonaa qaabka uu u shaqaynaayo systemku isaga oo waliba tijaabindoonaa laba jeer iyo in ka badanba si wasiirku uu u hubiyo kala duwanaanshaha Lambarada macaamiisha  oo boqolaal kun oo Lambar ah taas oo wasiirka, masuuliyiinta kale iyo waliba Marti sharafta kala duwan ee xafladdan kasoo qaybgashayba aanu ugu talagalnay in ay markhaati ka noqdaan qorituurkan shirkaddu ay macaamiisheeda u samaynaysaa in uu yahay mid cad oo xalaal ah

Dhinaca kale waxa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay Barnaamijkan abaalmarinta somtel ee gaadhigii koobaad lagu guulaysanaayay Masuulka Madaxa Waaxda Ganacsiga ee Shirkadda Somtel Maxamed Rooble waxaanu sheegay in shirkadda somtel ay kaga duwantahay shirkadaha kale barnaamijyada noocan ah oo shirkaddu sanadkiiba ugu yaraan afar jeer ay macaamiisheeda usoo bandhigto hadiyado kala duwan oo qaali ah sida gaadhigan maanta oo kale oo uu ku guulaysandoono macmiilkii ilaahay SWTC u qadaray una calfay waxaanu masuulkanki intaas ku daray in mardhaw marka ay kala shaandhaynta serverku bilaabanto in Lambarka serverku ku dul istaago ee guulaysta lala hadli doono balse haduu telefoonkiisu xidhanyahay laba jeer lagu celindoono kadibna marlabaad serverka la wareejindoono si hadiyadaas qaaliga ah looga faa’ideeyo macmiil kale oo telefoonkiisu furanyahay.

Dhinaca marti sharafta waxa u hadlay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed oo aad iyo aad ugu mahad celiyay shirkadda somtel oo uu sheegay in ay kaalin laxaad leh kaga jirto dhaqaalaha dalka waxaanu wasiirku ku amaanay shirkadda somtel sida wanaagsan ee ay marwalba bulshadeeda u garab taagantahay ee ay u caawinayso waxaanu tusaale usoo qaatay wasiir Khaliil gaadhigan qaaliga ah ee shirkaddu xafladan ku bixinaysay waxaanu sheegay in arintani ay tahay wixii aad iibsatay iyo adeegyadii shirkadda ee aad iibsatay ee aad adigu isticmaashay iyada oo aan wax shuruud ah lagagu xidhin lacagna lagaa goosan hadana shirkaddu ay hadiyad kuu raacisay iyada oo aan cidna shirkadda ku khasbin balse shirkaddu ay jeclaatay in ay macaamiisheeda abaalmarin iyo hadiyado kala duwan gudoonsiiso iyada oo aan wax shuruud ah ku xidhayn diiniyanna arintan ay shirkaddu macaamiisheeda ugu qorituurayso way banaantahay waana wax tarwayn oo bulshadu ay ka faa’idayso waxaana fiican in mararka dambana aad ku dartaan geel iyo adhi in aad bixisaan si bulshadu u manaafacaadsato ayuu yidhi wasiir Khaliil

Intaas ka dib Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu bilaabay in uu hubiyo isla markaana uu tijaabiyo Serverka Shirkaddu qaabka uu u kala shaandhaynaayo macaamiisha kala duwan ee shirkadda waxaanu wasiirku bilaabay in uu START BOTTON ka taabto kadibna wareejiyo laba jeer serverka shrikadda si uu u hubiyo bal in uu lambaro isku mid ah soo saaro iyo in uu lambaro kala duwan soo saaro waxaanu wasiir khaliil iyo marti sharaftii kalaba isla xaqiijiyeen in Serverka shirkaddu uu si saxa u shaqaynaayo oo uu lambaro kala duwan soo qabtay tijaabadii lagu sameeyay dhawr jeer oo kala duwan intaas ka dib waxa si toos ah u bilaabmay qorituurkii lagu guulaysanaayay gaadhiga qaaliga ah waxaanu wasiir khaliil bilaabay in uu wareejiiyo Serverka shirkadda somtel  oo ay ku jiraa boqolaaal kun oo lambar oo kala duwan cabaar markii serverkii wareegay waxa uu dul istaagay oo uu soo qantay lambarka ah 0659180122 intaas ka dibna waxa lala hadlay macmiilkii lambarkaas sitay oo sheegtay in magaceeda la yidhaa Maryama Maxamed Faarax oo dagan magaalada Hargeysa waxaanay maryama ay sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxsantahay Gaadhigaas casriga ah ee shirkadda somtel ay gurigeeda ugu dhex keentay waxayna  sheegtay in ayna marnaba filahayn in hadiyad intaas leeg ay somtel gurigeeda ugu keenayso balse ay maanta xaqiiqsatay aad iyo aadna ugu faraxsantahay oo ay u ducaynayso shirkadda somtel oo ah shirkad markasta bulshadeeda garab taagan oo caawisa.

Intaas ka dib maamulka shirkadda somtel waxa ay hambalyo u direen macmiilka magaceedu yahay Maryama Maxamed faarax oo ku guulaysatay gaadhigii qaaliga ahaa ee shirkaddu macaamiisheeda ugu talagashay waxayna maamulka shirkaddu sheegeen in ay hadheen tiraba saddex gaadhi oo kale oo iyagana sidan oo kale loogu guulaysandoono  bilaha soo socda hadii Alle qadaro.