Fidel Castro Waxa Uu Dardaarmay In Aan Meel Loogu Magac Darin, Walaalkiina Sharci Adag Ayaa Uu Ka Soo Saaray

0
529

1Havana (Geeska)- Baarlamanka dalka Kuuba ayaa salaasadii toddobaadkii horre ansixiyeysharci mamnuuc kadhigaya I magaca hoggaamiyihii dhowaan geeriyooday ee dalkaas Fidel Castroloogu magac daro, jidadka, haayad, xarun, dugsi iyo wax kasta oo la mid ah, ama in loo taago taallooyin xusuuseed, sababta siyaas loo yeelayna waa in la fuliyo dardaarankii u dambeeyey ee aabihii kacaanka Kuuba Fidel Castro.

Sharcigan oo soo jeedintiisa ay lahayd xukuumadda dalkaas ee uu hoggaamiyo madaxweyne Raul Castro oo ay walaalo yihiin Fidel Castro, baarlamanka dalkaasina cod buuxa ku ansixiyey, waxa uu mamnuucayaa in meel keliya, dan guud iyo mid gaar ahba loogu magac daro Fidel Castro, iyo in loo sameeyo wax uun u muuqda karaamayn iyo in dadka caadiga ah ee dhinta laga weynaynayo. Waxa kale oo uu sharcigani mamnuuc ka dhigayaa in magaca hoggaamiyihii 90 jirka ku dhintay 25kii Bishii Noofamber ee 2016ka loo isticmaalo si ksta oo maamuus gaarah mutaysiinaysa, ama in lagu sawiro lacagta dalkaas.

Raul Castro oo talada dalka Kuuba walaalkii ku wareejiyey sannadkii 2006dii, ayaa dadka dalkaas kaga yaabiyey bishii Diisambar ee ina dhaaftay kadib markii uu sheegay in uu golaha baarlamanka ee dalkiisa hor geynayo sharcigan mamnuucaya in magaca Fidel Castro loo isticmaalo si kasta oo maamuus ka muuqdo. Waxa aana hadalladiisa ka midahaa, “Fidel illaa markii u dambaysay ee naftu ka baxaysay, waa uu ku adkaysanayey” si kastaba ha ahaato ee warbaahinta dalkaas ayaa sheegaysa in sharcigani mamnuucista ka soo reebi doono xaalado kooban oo ay ka mid tahayin la sameeyo haayad shaqadeedu tahay keliya in la daraaseeyo doorkii uu ku lahaa taariikhda dalka Kuuba.  Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Alcarabiya laguma sheegin ciqaabta uu sharcigani dhigayo ee ku dhici doonta ciddii sharcigan jebisa.