Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (16)

0
648

– Raysalwasaaraha muddada dheer ku fadhiyey kursiga ee dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa noqon doonta dhufays wax badan laga difaaco wada jirka midowga Yurub, laakiin haddii haweenaydan oo lagu tilmaamo dhufayska laga difaaco jiritaaka Midowga Yurub, iyo in ay tahay hoggaamiyahaugu awoodda badan dunida, ayaa haddii ay doorashada sannadkan ku guulaysan weydo, qarax weyn ku noqon doonta Midowga Yurub iyo guud ahaan nidaamka dawladaha Liberal ka ah ee reer galbeedka.

Waxa aana jirta in Maraykanka kadib, uu Ruushkan markan xoog saari doono farogelinta doorashooyinka Jarmalka, si uu uga shaqeeyo in Angela Merkel lagaga adkaado doorashada  dalkeeda.

Wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo ka  fallaadooda dhaqaalaha iyo ganacsiga adduunka ayaa sannad kasta isu keena xeeldheerayaal khibrad iyo aqoon kala duwan oo soo saara odoroska waxa ay la tahay in ay dunida ka dhici sannadkas. Waxa aanu sannadkan saadaaliyey arrimo door ah oo aynu ka xusi karno;

Trump iyo Putin:

Trump iyo Putin waxa ay heshiis ka gaadhi doonaan arrinta Suuriya, laakiin sida ay la tahay xiddigiyaha reer Lubnaan ee Rawla Khalaf heshiiskaasi waxa uu noqon doonaa mid aan dhaqangelin, marka laga reebo mid dhex mari doona mid boqolka maalmood ee u horreeya muddo xileedka Trump oo la xidhiidha in ay iska kaashadaan weerarro ka dhan ah kooxaha ay argagaxisada ku tirinayaan. Si kastaba ha ahaato ee wax fog ma’aha in aakhirka la arko Trump oo inta uu ka quustay Suuriya, boggiisa Twitter ka ee uu caanka ku yahay ku qoraya ereyo muujinaya in colaadaha Suuriya ay iska sii socon doonaan.

Trump iyo derbigii Mexico:

Donald Trump xilligii ol’olaha waxa uu ballan qaaday in uu derbi dheer ka dhisi doono xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico oo dhereran masaafad dhan 3’219 Kiiloomitir si loo xakameeyo dadka dalkaas u dhashay ee sida aadka ah ugu soo tahriiba Maraykanka. Si kastaba ha ahaato ee saadaaliye Edward Luce waxa ay la tahay in deyrkaas uu bilaabi doono Trump laakiin in yar ka dhisi doono, inta soo hadhayna laga fikiri doono in laga dhigo teed taar iwm ah.

Koonfur Afrika

Sida uu odorosayo Jude Webber madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo fadeexado is-daba joog ahi ah ay xukunkiisa ragaadiyeen, waqtigii wax-qabad laga filan lahaana kaga lumay dadaallada uu isku badbaadinayo, kuwaas oo khalkhal geliyey habsami u socodkii hawlaha haayadaha qaranka, xisbigiisa Golaha Qaranka ee Afrikaankana (African National Congress) ka  dhigay mid isaga ku tiirsan ayaa nusqaamin doona fursadaha uu mid ka mid ah ragga loollanku ka  dhexeeyaa ku qabsan karo xukunka marka la gaadho sannadka 2019ka.

Qiimaha Shidaalka:

Qiimaha shidaalka oo si aad ah u hooseeyey sannadkii tegey ee 2016 ka ayaa uu Robert Armstrong saadaalinayaa in uu kor u kici doono, waxa aanu gaadhi doonaa $50 doolar foostada, oo weliba ahaan doona qiime shirkadaha shidaalka oo kuwa Maraykanku ugu horreeyaan u arkayaan in uu hooseeyo, dadaallana u geli doonaan sidii ay halkaas uga sii qaaliyeysiin lahaayeen.

Saadaasha golaha sirdoonka Maraykanka:

Warbixin ay Isniintii toddobaadkan ee 9ka Jeenaweri 2017 ka soo baxday golaha sirdoonka Maraykanka ayaa ay xustay goobaha ay is  leedahay shanta sano ee soo soca colaado aan hore u jirin iyo dagaal qabow oo aan la isu qarsan ayaa ka dhici doona. Iyaga oo sababtana u sibir saaraya furfuran ku dhacaya nidaamyadii dawladeed ee dhashay dagaalkii labaad ee adduunka kadib, iyo muranno qawmiyado ku salaysan oo laga soo horjeedo edegeynta dunida oo meelo badan ka qarxi doona.

Warbixintan oo lagu sheegay jihada ay dunidu u socooto iyo waxyaabaha isburinaya ee caqabadda ku noqonaya in tallaabooyin hore loo qaado ayaa ah warbixintii Lixaad ee warbixinno taxane ah oo lagu soo bandhigayo natiijada daraasado uu afartii sano mar sameeyo golaha sirdoonka Qaranka ee Maraykanku.

Faafinta warbixintan oo markan ku soo beegantay xilli ay laba toddobaad oo keliyi ka hadhsan yihiin la wareegistii xilka ee madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump waxaa lagu sheegay; Ruushka iyo Shiinaha oo dhiirranaanta imikaba ay la soo baxeen sii laban laabi doona, colaado heer gobal ah, hawlgallo argagaxiso, is-mari waayo sii kordha oo la xidhiiha isbeddelka cimilada adduunka, is beddelka cimilada oo si aad ah loo sii dareemo iyo koritaanka dhaqaalaha adduunka oo daciifa.

Golaha sirdoonkaqaranka oo ka  kooban xeeldheerayaal sirdoon oo waaweyn iyo waayo-arag lafa-gura arrimaha siyaasadda, ayaa warbixintan afar-sannadlaha ah, ku sheegay arrimo ay ka mid yihiin:

– In argagaxisadu ay sii kordhi doonto tobanka sano ee soo socda, iyada oo ay soo bixi doonaan kooxo iyo ururro yaryar iyo shakhsiyaad haysta tiknoolajiyad, afkaar cusub iyo xidhiidho caawinaya.

– Waxa uu madow badan geli doonaa Maraykanka oo ku mashquulaya siyaasaddiisa arrimaha gudaha. Waxaa hoosu dhici doona heerka xuquuqda aadamaha ee dunida, waxaa kordhi doona loollanka iyo colaadaha, taas oo dhiirrigelinaysa Ruushka iyo Shiinuhu in ay ka hor yimaaddaan oo weliba cariyaan Maraykanka.

In kasta oo ay sheegeen in caqabadaha iyo dhibaatada iyo xiisaduhu aanay gaadhi doonin heer dagaal qarxo, haddana waxa ay ka digayaan in kalsooni ka badbadin ah laga qaato iyo xaaladda oo aan si dhab ah loo qiimayn khatarteeda, taas oo ay u arkaan in ay ka darnaan doonto halkii ay gaadhay xilligii dagaalkii qaboobaa uu ka socday adduunka.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xiisadda ugu badani ka dhalan doonto dawlado heer gobal ah oo doonaya in ay quwad ka noqdaan gobalka ay ku yaallaan, xoogna ku muquuniyaan dalalka kula jira gobalka ee itaal ahaan la midka ah ama ku soo dhow iyo kuwa ay ka dareemaan in ay la loollamayaan. La soco qaybta u dambaysa iyo cadadka Sabtida Haddii Rabbi xukmo…