Shaybaadh Cusub Oo Dhiigga Laga Ogaan Karo Qiyaasta Cimriga Uu Jirayo Qofku Iyo Xanuunnada Uu U Nugul Yahay

0
632

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Boston ee dalka Maraykanka ayaa  shaaca ka qaaday in ay jiraan shaybaadho dhiigga lagu samaynayo oo qaadistoodu fududahay, oo ka qayb qaadan kara in la sii garto nugaylka uu qofku u yahay cudurrada qaar in ay mustaqbalka ku dhacaan, isla markaana qiyaas guud ka bixin kara cimriga qofka.

War uu Geeska Afrika turjumay oo laga sii daayey talefishanka Al-Xurrah oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka oo ay dawladdu maalgeliso, ayaa lagu sheegay in cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ay shaybaadheen tilmaamaha hiddaha ah ee ku jira saamballo dhiig oo laga qaaday dad tiradoodu dhan tahay 4700 oo da’doodu u dhexeyso 30 illaa 110 sano, iyada oo si gaar ah la isu barbar dhigay natiijada shaybaadhkan iyo xaaladda caafimaad ee dadkani waxa ay ku dambaysay markii gaboobeen.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey natiijada ay ka heleen tijaabooyinkan waxaa uga caddaatay in dhiiggan laga garan karo dadka iyaga oo caafimaadkoodu fiican yahay haddana gabowgu ku soo degdegayo iyo xitaa kuwa ay suurtogal tahay in ay cudurro khatar ahi ku hacaan, sida Kansarka, Wadne Xanuunka iyo Macaanka.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in natiijada ay daraasaddoodani daahfurtay ka qayb qaadan karto in dad badan oo marka ay gaboobaan cudurro ku soo waajahanyihiin laga badbaadiyo, oo ka hortag loo sameeyo.