Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (12)

0
592

Waxaaa aad kor ugu kici doonta cadhada muwaadiniinta Sucuudiga, illaa heer ay boqortooyadu ku qasbanaato in ay madax bannaanayso shirkadaha ka shaqeeya shidaalka ee hadda  dawladdu maamusho, kuwaas oo ay ka mid tahay shirkadda ARAMCO, waxaa sidoo kale ay dawladdu laali doontaa cashuuraha, waxa aanay hoos u dhigi doontaa qiimaha lacagta dalkaas.

Dhinaca kale hoos u dhaca ku yimaadda isu dheeli-tirnaanta quwadaha gobalka bariga dhexe ayaa dan u noqon doona dalka Iiran, waxa aana sii xumaan doona xidhiidhka u dhexeeya Sucuudiga iyo Iiraan illaa heer uu dhici karo dagaal dhex maro, taas oo saamayn xun ku yeelan doonta dhoofka saliidda ee dalalkan  maadaama oo colaaddu khatar gelin doonto marin-biyoodka Hormuz oo ah jidka ay saliidda dalalkani u marto suuqyada dunida.

Warbixintan ay faafisay warbaahinta Bloomberg waxa ay intaas ku sii daraysaa in la filan karo dagaal dhaqaale oo ka dhex qarxa dalalka Maraykanka iyo Shiinaha, iyo in hagaas weyni ku dhici doono dhaqaalaha dalka Shiinaha, sidoo kale dalka Kuuba oo dhowaan uu booqday madaxweyne Barak Obama laguna waday in uu xidhiidh dhow oo dhaqaale iyo saaxiibtinimo la yeesho dalka Maraykanka ayaa la filayaa in aanay sidaas noqon doonin, oo xidhiidhka labada dal uu mar kale halkiisii xumayd ku noqon doono. Gaar ahaan in dalka Kuuba uu doorbidi doono in uu ka fogaado Maraykanka oo uu dib ugu noqdo saaxiibbadiisii hore ee Ruushka iyo Shiinaha iyo in uu mar kale dib u soo celiyo saldhiggii milateri ee Ruushku uu ku lahaa dalka Kuuba. La soco…

Samiir Danub oo sida hore aynu u soo xusnay ah saadaaliye caan ah oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa saadaalinaya:

– Wiilka uu Qaddaafi dhalay ee Hanibacal oo ku nool dalka Lubnaan ayaa sabab u noqon doono mushkilad diblumaasiyadeed oo k dhex qaraxda dalalka Lubnaan iyo Suuriya oo khilaafkan dartii u xidhi doona xuduudka u dhexeeeya Lubnaan. Afduubka la afduubay wiilkan oo ay Shiicadu u afduubtay in ay bal hadda ka hesho xog la xidhiidha wadaadkii shiicada ahaa ee dalka Liibiya lagu waayey xilligii Qaddaafi ka talinayey, aakhirkana waxa ay Lubnaanku qasbanaan doontaa in ay Hanibacal ku celiso xukuumadda Suuriya ma u dhiibto booliiska caalamiga ah ee Interpol.

– Xiisad ka dhalatay gantaallo Israa’iil kaga soo dhacay dhinaca Lubnaan iyo Suuriya oo ay ku eedayso Xisbilullaah ayaa ay Israa’iil kaga jawaabi doonto in y garaacdo goobo ka mid ah Lubnaan iyo Suuriya oo ay u aragto fadhiisimo Xisbullaah leeyahay.

– Samiir Danub waxa uu aminsan yahay in xiisaddani ay aakhirka keeni doonto khilaaf soo dhexgala Bashaar Al-Asad iyo hoggaamiyaha Xisbullaah Xasan Nasrallaah, kadib marka uu Asad Xisbullaah ka dalbado in ay joojiyaan dagaalka ay dalkiisa kaga qaadayaan Israa’iil.

– Maraykanka ayaa Israa’iil cadaadis xooggan ku saari doona in ay ka baxdo inta kaga hadhsan dhulka Lubnaan, taas beddelkeedana la xoojiyo ciidamada Lubnaan si ay awood ugu helaan sugidda amiga xuduudka, ururka Xisbullaahina uga horjoogsadaan in uu ku soo dhowaado.

– Samiir waxa uu aaminsan yahay in dalka Lubnaan uu noqon doono dal awood weyn oo fulineed uu ku yeesho dalka Faransiiska oo kala bixi doona dalka Iiraan ee hadda Lubnaan ku leh awoodda siyaasiga ah, halka dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay noqon doonaan dalal uu Ruushku taladooda awood weyn ku yeesho.

Suuriya

– Suuriya waxaa sannadkan laga filayaa xasilooni waqti dheer oo tobannaan sano ah aanay wax carqalad ahi ku iman. Bashaar Al Asad waxa uu noqon doonaa madaxweyne Sharafeed, leh awoodo baratakool iyo astaan qaran ku kooban, Mucaaradkana waxaa laga soo dooran doonaa raysalwasaare awood badan. Waxa aana dhalan doonta xukuumad fogeysa ururrada Islaamiyiinta ah sida Daacish iyo Nusra.

– Ciidamada Suuriya oo mar kale dib loo dhisay, laguna daray ciidamada ururrda mucaaradka ah ee hubaysan sida ciidanka Suuriya ee Xorta ah iyo xoogag madaniya oo hubaysan ayaa dabayaaqada sannadka gacanta ku wada dhigi doona dhulka Suuriya. Marka kadib ayaa la qaban doonaa doorashooyin Baarlamaan iyo madaxtooyo waxa aana xilka madaxweynaha qaban doona shakhsi muslim sunniya ah oo qunyar socoa. Waxaa dalka Suuriya laga dhaqangelin doonaa nidaam Federaal ah oo aad ugu eeg nidaamka dalka Ruushka ee ah dawlad keliya oo ay ku hoos jiraan jamhuuriyado yaryari. Aakhirkana Bashaar Al-Asad waxa uu degi doonaa dalalka Iiraan ama Suuriya, sababo ammaan awgeed.

Falastiin:

– Dawlado hore leh iyo baarlamaanno ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dawladnimada Falastiin.

– Falastiiniyiintuna waxa ay samayn doonaan dib-u-habayn maamul iyo in ay isu dhigaan dawladnimo, waxaa dhici doona doorashooyin madaxtooyo iyo baarlamaan waxa aanay dhisan doonaan dawlad cusub.

Ciraaq:

– Waxaa sannadkan aad looga gacan sarrayn doonaa ururka DAACISH oo ay ciidamda Ciraaq  ka qabsan doonan dhulka ay haystaan oo dhan, marka laga reebo deegaano ka mid ah xuduudka Suuriya iyo Ciraaq oo ay isku urursan dooaan.

La soco……………