Milil Kor Kadhayid Ku Ma Bogsado Maxamed Xasan Raabi, Hargeysa

0
805

Wadahadalka Soomaalaan iyo Soomaaliya waa waajib jid loo maro leh haddii aan laga maarmayn. Ucodayntii distoorka ayaa sharciyeysay gooni-isutaagga Soomaalilaan. Sifo sharci ah in ay kula dhaqanto Soomaaliya, waa waajib distoori ah.  Lajoojaa bannaan,  lajiifiyaan na bannaan, waxa ay minjooxaabinaysaa gooni-isutaagga sharciyaddiisa. Hawlaha dawladnimadeennu waxa ay noqonayaan, kolkaas, qalfoof.

Soomaaliya iyo Soomaalilaan labadu ba waa ay bukaan. Soomaalilaan aqoonsi ka ma ay helin weli bulshada adduunka. Soomaaliya na Gacan shisheeye ayaa ay gashay; dagaal sokeeye na waa dabray. Midho daray duuduub ha ku liqeen ku boksanmaayan

Talo nasteex waa wadahadal: mililku korkadhay ku ma bogsado. Dagaallada sokeeye ee Soomaaliya iyo Soomaalilaan saameeyey, marka lagu daro ku weli socda, malyuun qof ayaa ku dhintay, ku na barakacay. Hanti qarniyo la tabcayay na, waa ay ku burburtay.

Qiimaha wadahadalku waa meelsaaridda khasaarihii dhacay. Tusaale ahaan, haddii Laba wada dhashay mid ba kii kale lug iyo cangooyay, qirashada falkii sababay, waa magdhawga ugu fudud ee ay ku kala bogsan karaan. Qiimaynta khasaaraha oo lagu kala baxaan na,  waa magdhawga  ugu culus ee ay ku la nabdgeli karaan. Go’aannada ka soo baxaa na, waxa ay u baahan yihiin ansixin baarlamaan iyo ucodayn dadweyne.

Walaac weyn baa se jira. Soomaalid maanta, garnagsigoodu ma gebageboobo. Dibuheshiini na ka sii dhib badan.                                                        Maxamed Xaaji Raabbi.