Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (11)

0
654

1Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in hirarka dibadbaxyada ah ee ka dhici doona California ay dadka isugu soo baxaya  ka mid ahaan doonaan, dadka u dhaqdhaqaaqa ururka lagu magacaabo,  “Nolosha dadka madow waa muhiim” oo ah urur ka dhiidhiyey waxa uu u arko cadaadiska iyo nolol u quudhi waaga Maraykanku ku hayo dadka madowga ah ee dalkaas. Waxa kaleoo ka mid ahaan doona dhaqdhaqaaqa, ‘Qabsada wall street’ dhaqdhaqaaqan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Occupy Wall Street’ waa dhaqdhaqaaq dibadbaxyo abaabula oo ku baaqaya in xoog lagu qabsado sayladda caalamiga ah ee saamiyada ee New York oo lagu magacaabo Wall Street. Sidoo kale dibad baxayaasha waxaa ka mid noqon doono rabshad wadayaal iyagu fursadda uun ka faa’idaystay.

Khubarada diyaariyey warbixintan saadaasha ah ee warbaahinta Bloomberg sii daysay ayaa sheegaya in Donald Trump ay ka hor iman doonaan tiro ka mid ah maalqabeennada ugu waaweyn dalka Maraykanka ee weliba awoodda badan, iyaga oo ka xun xaaladdadalka oo sii xumaan doonta, gaar ahaan dhibaatooyin dhaqaale oo dalkaas ka dhici doona, iyo nidaamka maaliyadeed oo khalkhal ku iman doono.

Reer Galbeedku Suuriya iyo Ukraine waxa ay faraha uga qaadayaan Ruushka:

Xeeldheerayaasha dejiyey warbixintan saadaasha ah waxa ay la tahay in haweenayda raysalwasaaraha ka ah Jarmalka Angela Merkel ay dan moodi doonto in ay Ruushka la gasho heshiis ay ku qaybsanayaan goobaha awoodda leh ee gobalka bariga dhexe iyo bariga Yurub, taas oo ah iskuday quus ah oo ay doonaysa in ay xasiloonida ku soo celiso xaaladda Qaaradda Yurub.

Waxa aanay noqon doontaa in reer Galbeedku ay faraha ka qaadi doonaan danahooda Suuriya iyo Yukrayn, iyaga oo Ruushka uga hadhaya labadaa goobood, beddelkeedana ku heli doona in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ogolaado in uu joojiyo farogelinta uu ku hayo arrimaha Maraykanka iyo Midowga Yurub. Donald Trump iyo Angela Merkel-na ay qiraan gacanta weyn ee uu Ruushku ku leeyahay Ukraine, Belorussia iyo Suuriya.

Warbixintan Saadaasha ahi waxa ay sheegaysaa in Ruushku 26 sano kadib burburkii Midowga Soofiyati uu sannadkan soo ceshan doono kaalintii weynayd ee uu ku lahaa adduunka, waxaa laga qaadi doonaa xayiraadaha imika ay reer galbeedku saareen, waxa aana kor u soo kicidoona dhaqaalaha dalkaas iyada oo qiimaha lacagta Ruble ka ee dalkaasina kor u kici doono.

Madaxweyne Putin oo aad ugu faraxsan horumrka uu gaadhsiiyey dalkiisa iyo quwadda diblumaasiyadeed ee uu u soo celiyey ayaa sannadkan dabayaaqadiisa ku dhawaaqi doona in uu xilka ka degayo, kadib marka mar kale loo doorto madaxweynaha soo socda ee dalkaas, iyada oo doorashadaasi noqon doonta ta ugu dambaysa ee uu dalkaas kaga sii arrimiyo.

Midowga Yurub: Marine Le Pen madaxwynaha soo socd ee Faransiiska:

Inkasta oo Angela Merkel ay ku guulaysanayso in ay Ruushka heshiiskaas aynu soo xusnay la gasho, xasilooni badanna dib ugu soo celiso dalkeeda, haddan haweenayda awoodda badan oo imika u muuqata in ay weligeed ahaan doonto raysalwasaaraha dalka Jarmalka ayaa markaas ku guul darraysan doonta doorashooyinka soo socda ee Jarmalka,dhinaca dalka ay deriska yihiin Jarmalka ee Faransiiskana waxaa lagu wadaa in haweenayda hoggaamisa xisbiga Waddaniga ah ee dalka Faransiiska Marine Le Pen ay ku guulaysan doonto doorashooyinka madaxweynenimo ee dalkas, isla markaasna ku dhawaaqi doonto in dalkeedu uu ka baxayo Midowga Yurub.

Waxaa intaas dheer in dabayaaqada sannadkan qaaradda Yurub lga dareemi doono siyaasado jiho cusub ku socda, kadib marka doorashooyinka madaxnimo ee soo socda ee dalalkaas ay dadku doorbidaan xisbiyada siyaasaddoodu xoogga saarayso arrimaha gudaha, gaar ahaan kuwa ku doodaya in gacan bir ah lagaga hortago dadka soo galeetiga ah ee dalalkooda imanaya, iyo in laga baxo midowga Yurub. Warbixintan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay sheegaysaa suurtogalnimada in la’ laalo isu socodka bilaa shuruudda ah ee u yaalla dalalka ku wada jira waxa loo yaqaanno Schengen oo ah heshiis dhex yaalla 26 dawladaha Yurub ka mid ah, oo heshiis ku ah in muwaadiniintooda laga dhaafo sharciga dhigaya in baasaboor la isagu safro, meeshana ka saaraya dhammaan xeerarka iyo shuruudaha isu socodka ee xuduudaha ay wadaagaan, isla markaana ay wadaagan siyaasad keliya oo dhinaca fiise bixinta ah, taas oo marka la eego shuruucda isu-socodka ee dunida ka dhigaysa in ay dhinacan ka yihiin sida hal dal oo keliya. Waxaa si aad ah hoos  ugu dhici doona qiimaha lacagta reer Yurub ee Euro loo yaqaanno waxa aanay dhaqaale xumo hor lihi ka dillaaci doonta dalka Giriigga, oo weliba markan ay yar tahay rajada laga qabo in loo helo fursado dalkaas lagu badbaadiyo.

Dunida Carabta:

Xeeldheerayaasha sheedaaliya siyaasada iyo waxa mustaqbalka laga filan karo ee diyaariyey warbixintan uu Geeska Afrika soo akhriyey waxa ay la tahay in dalka Yemen uu Sucuudiga ku noqon doono sidii dalka Vietnam ku noqday Maraykanka, iyada oo dagaalka dalkaas ay ka wadaan xulafada Sucuudigu hor kacayaa uu Sucuudiga gelin doono kharaashaad aad u ballaadhan oo aakhirka sababa mushkilado dhaqaale iyo in maalgashadayaashu ka yaacaan boqortooyada Sucuudiga, waxa aana aad kor ugu kici doonta cadhada muwaadiniinta dalkaas,  La soco………………