Madaxweyne Siilaanyo, Waa Hoggaamiye Noocee Ah? Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
658

Hoggaamintu ama hoggaamiyuhu, wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo uu ku hago cida uu masuulka ka yahay, taasoo noqota mid ah sax oo feker fiican ku timid {Right Thing} iyo mid wado khaldan marta oo aan lagu najixin, taasoo muujisa hoggaamiye si khaldan u fekerey {Wrong Thing}.

1

Maanta qormadan waxaan ku eegayaa hoggaaminta madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Siilanyo} oo ah hoggaamiye aynu hoggaaminta dalka u dooranay sanadkii 2010-kii, xafiiskana ka banayn doona sida la rajaynayo inta aanu sanadkan 2017 aanu dhamaan, haddii alla idmo.

Waa kuma madaxweyne  Siilaanyo?

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaa uu dhashay sanadkii 1936-kii, waxbarshadiisii hoose iyo sare waxaa uu ku soo qaatay. Magaaloyinka Burco iyo Sheikh, waa dhaqaale yahan, maadada dhaqaalaha ku diyaariyey jaamacada Manchester ee dalka Ingiriish.

 Shaqada waxaa uu ka soo bilaabay agaasime guud ilaa wasiir uu ka gaadhiyey,  isaga oo shaqada dowlada u soo maray nidaam sax oo ku dhisan aqoon iyo nidaam dowladeed, waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu aqoonta iyo kartida badnaa dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Muddo dheer buu soo hoggaamiyey ururkii S.N.M, markii uu ka tegey taliskii Siyaad Barre, waxaanu door muhiim ah ka soo qaatay dib-u-heshiishiintii iyo dib-u-dhiskii dalka, waxaa uu noqday wasiirkii Maaliyada iyo qorshaynta ee xukuumaddii alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxaa uu ahaa muddo dheer  guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, doorashadii madaxtooyada  2003-dii, Siilaanyo waxaa Lagu yidhi, waxaa lagaaga helay 80 cod  oo  Daahir Rayaale Kaahin, kaaga helay, duco qaado, taasoo aan ka suuroobin hoggaamiye Afrikaan ah, madaxweyne Siilaanyo wuu tanaasulay, waxayna noqotay arrin taariikhda galay.

2010-kii ayay shacabka Somaliland Siilaanyo  u doorteen madaxweynaha qaranka, iyada oo taageero wayn loo muujiyey iyo kacdoon isbedel doon oo Silaanyo Hoggaaminayey.

Madaxweyne Siilaanyo Waa Hoggaamiye Noocee Ah?

Madaxweyne Siilaanyo inta aan ka arkay iyo sida  lagu yaqaanay waa hoggaaamiye firfircoon {Dynamic Leader}, sidoo kalena waa hoggaamiye leh aragti fog, una fekera sida saxda, balse aan u fekerin sida khaldan, waa hoggaamiye jecel nabada oo neceb dhibta iyo qalalaasaha.

Waa hoggaamiye, dhisa, abuura team ama rag uu ku aamini karo shaqada, taasoo ka mid ah astaamaha ay leeyihiin hoggaamiyayaasha toosan.

Waa hoggaamiye hal-abuur leh  oo jecel in uu keeno wax cusub, taasoo uu ku soo kordhinayo qaranka uu hoggaaminayo.

Madaxweyne Siilaanyo, waxaa uu leeyahay fulin, taasoo aan ugu jeedo waa hoggaamiye go’aan leh, taasna waxaa cadaynaysa go’aan adag oo uu qaatay intii uu madaxweyne ahaa, kaas oo aan hoos ku xusi doono.

Waana hoggaamiye leh aragti is bedel, iyada oo lagu  tilmaami karaa in uu yahay Siilaanyo {Transformational Leadership}.

 waana hoggaamiye dumuqraadi ah oo jecel nidaamka {democracy}, necebna keli talisnimada.

Muxuu Qabtay Madaxweyne Siilaanyo?

Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu qabtay waxyaabo badan, iyada oo aanay weli dhamays tirmin baahiyaha ka jira Somaliland, Siilaanyo waxaa uu isbedel ku sameeyey dhamaan qaab-dhismeedka dowlada oo u ekaysiiyey dowlada u dhisan sida kuwa  aduunka, waxaa laga guurey dhismayaashii liitey ee ingiriish ka tegey, waxaana la dhisay, dhismayaal qurux badan oo ay yeesheen markii ugu horeysa hay’adaha dowlada.

Wadada dheer isku xidha Burco iyo Ceerigaabo ayuu ku dhiiradey madaxweyne Siilaanyo, marka la eego baaxada ay leegtahay iyo qarashka badan ee ku baxaya.

Lacagta Somaliland ayuu madaxweyne Siilaanyo Gaadhsiiyey dalka oo dhan, iyada markii horey aanay lacagta Somaliland dhaafsiisnayn magaalada Sheikh.

Waxbarashada, caafimaad, biyaha iyo maamul fidinta ayuu madaxweyne Siilaanyo Horuumar ka sameeyey.

Ciidamada Somaliland ee kala  gedisan ayaa derajooyin lagu taxay, taasoo uu hirgeliyey madaxweyne Siilaanyo taarikhda Somaliland.

Gobolada bari ayaa intooda badan la daboolay tabashooyinkii jirey, iyada oo la soo xero geliyey kooxdii SSC, hadana ay dhamaad ku dhowyihiin wada hadaladii Khaatumo iyo Somaliland u socdey.

Musharka shaqaalaha iyo ciidamada ayuu kordhiyey madaxweyne siilaanyo, miiyaaniyada qaranku waxay maraysaa 362,517,393 doolar.

Go’aamo Noocee Ah Ayuu Qaatay Madaxweyne Siilaanyo?

Madaxweyne Siilaanyo intii uu ahaa madaxweynaha waxaa uu qaatay go’aamo kala duwan, waxaan ka xusi karaa go’aankii uu u gudbiyey labada aqal ee lagu ogolaaday in la hor fadhiisto Somalia, taasoo la waayey cid ku dhacda Siilaanyo hortii, waxaanu ahaa go’aan aad u adag, balse aan odhan karo Somaliland way ku faa’iiday, sababtoo ah Somaliland aduunka ayay ku xidhan tahay.

Waxaa kale oo Siilaanyo qaatay go’aankii uu ku eryey Nicolas Key 2013-kii, kaas oo ahaa ergeygii gaar ahaa ee xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsanaa Somaliland iyo Somalia.

Sidoo kale madaxweyne siilaaanyo waxaa uu qaatay go’aan adkaa kaas oo ahaa tii uu ugu badheedhay in ku bixiyo derojooyin kala duwan oo la siiyey ciidamada Somaliland qaybooda kala duwan.

Waxaa kale oo iyana go’aan adag ahayd heshiishkii madaxweyne Siilaanyo la galay shirkada caalamiga ah ee DP World, taasoo lacag aad u badan ku maalgelinaysa dekeda way nee Berbera port. 

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland

Caarshe1985@gmail.com