Maamulka Jaamacada Camuud Oo Shahaado Gudoonsiiyey Maareeyaha Haamaha Shidaalka

0
619

Picture1Berbera(Geeska)- Maamulka Jaamacada Camuud ee Magaalada Borama ayaa Shahaado Dhinaca Maamul wanaaga ah Gudoonsiiyey Mareeyaha Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera ka dib markii ay Socdaalka ku yimaadeen Xarunta Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera  iyo Dekeda Caalamiga ah ee Somaliland .

Mareeyaha Haamaha Suleeban Siciid Cali ayaa si wayn ugu mahadnaqay Aradayda Jaamacada Camuuda ee socdaalka ku yimi Magaalo Xeebeda Berbera iyo Maamulka sare ee Jamacadaasi

Mareeyuhu waxa uu si qoto Dheer uga Waramay Waxqabadka Haamaha ay ku talaabsadeen mudii uu xilka hayey, waxa Kale Oo uu Mareeyuhu Ardayda uga waramay LAAP (Lap) Lagu Baadhidoono Shidaalka oo Laga hirgeliyey Berbera Iyo ahmiyada uu u leeyahay wadanka isagoo sheegay inay Xukuumada Somaliland si wayn ugu baahnayd

Mareeyaha ayaa Xusay inuu Mashruucani ka mid yahay kuwo ugu waa wayn ee Dalka laga hirgeliyey, isagoo intaasi ku Daray inay Ku Baxday Lacag aad badani

Mareeyaha ayaa sheegay inuu Ardayda Ka socoto Jaamacada Camuud si wayn u soo dhawaynayo

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa isaguna Ardayda uga mahadnaqay socdaalka ay ku yimaadeen Magaalada Berbera sidoo Kalena Sheegay Inay Jaamacada Camuud ay Kamid tahay Jaamacadaha wadanka ee ay Ka soo baxaan Ardayda ugu tayada fiican ee ka shaqeeya wadanka Oodhan

Gudoomiyaha ayaa warbixin ku saabsan ahmiyada Haamaha Iyo Dekeda u leeyihiin wadanka Ardaydaasi siiyey,

Hormuudka Kuliyada Maamulka Maaraynta iyo Ganacsiga ee jamacada camuud Cabdisamad Cige ayaa isaguna halkaasi ka amaanay maamulka gobolka saaxil iyo sida wadajirka ah ee ay qaranka ugu shaqeeyaan ,

Waxa Kale oo uu Sheegay inay u Garteen Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Shahaado Maamul wanaaga ah Ka dib Qiimayn ay Ku Sameeyeen Dhanka Xisaab Xidhka ah ee Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera

Pro: Maxamed Maxamuud G-Kuxigeenka Dhanka Arrimaha Bulshada ee Jamacadaasi Iyo Sidoo Kale Xubno Sare oo Ka socday Jaamacada Camud ee Boorama .

Mareeyaha Haamaha Shidaalka ayaa Qado Sharaf Ku Maamusay Ardayda Ka socotay Jaamacada Camuud Qaybta Maamulka ee Jamacadaasi

Ardayda ayaa sidoo Kale Boqday Dekeda Caalamiga ah ee Magalada Berbera iyagoo halkaasi warbixino la Xidhiidha Dhoofka iyo Soo Dejinta Dekeda Ka Dhagaysatay Saraakiil Ka tirsan Dekeda Caalamiga ah ee Berbera

Ardayn oo tiro ahaan Gaadhaysay ilaa 40 Arday iyo Xubno sare oo ka socday Jamacadaasi ayaa lagu wadaa inay Magaalada Berbera Ku Sugnaan doonan mudo kooban