Runtu ma fanta, (Q8) Guurtida iyo kaalinteeda? Aadan Muuse Jibriil

0
693

Riyada hameenimo iyo tan maalmeedka midna runta tooska ah uma taagna. Sida se laga soo xigtey halyeyegii weynaa ee Africa, agoonyahan Dr. Kwame Nkrumah, labada gelin ee riyadu waxay ka turjmaan ''Xogta Aadamaha oo ku taaga madaxa, halkii ay ahayd in ay  lugaha isku taagto'', Class Struggle in Africa. Taas Nkrumah wuxuu ugu duur-xulayey Africa, oo uu yidhi waxay run moodday maamulkii uu sameeyey gumeysigu ee asagu ku danaysanayey ee uu ka soo waaride Europe''.
Maanta oo ay ka soo wareegtey 55 sannadood ayaa aqoonyahanka Africa qirayaan xaqiiqada ah in Africa u baahantahay inay fahanto khaladka ku jira soo minguurinta dhaqan dawladeedkii gumaysiga iyo illowga dhaqan-maamuleedkii Africa. Waxaa loo baahan yahay bay qaybo badan oo aqoonyahanka Africa qabaan in labada dhaqan la isku badaxo. Waxaana hadda la isla wada qirayaa in waddada ay Somaliland u raacday dhismaha nabadda iyo maamulka dawladnimo ka turjumayso xaqiiqada iyo waaqica Africa.
Haddaba, Golaha Guurtiga Somaliland muxuu u taagan yahay, maxay se kaalintiisa taariikheed tahay: Guurtidu  waxay u taagan tahay dhaqanka soo jireenka ah ee heshiiska iyo dibu-heshiinta ah. Qaabkaasu waxuu ku dhisan yahay wada tahshiga, garr-naqsi iyo go'aan wadareed la isla  wada qaato (consensus based agreement). Qaabkaas oo ka duwan ka ah in lagu kala baxo qaababka casriga ah, sida dastoorka iyo maxamadaha.  
Waxay ahayd inay Guurtidu u taagnaato qaab-dhismeedkii nabadda iyo dhawlad dhiska ee Burco ku dhashay Borame na ku hirgalay ee ka koobnaa labada dhaqan siyaasadeed, kan reer galbeedka iyo ?an Somaliyeed kuna magac baxay isku tallaalka labada isirr (hybrid system).
Is qabtka siyaasadeed ee ka jira dimoqoraadiyeedka reer galbeedka waxuu ku salaysan yahay loollan ka dhaxeeya xisbiyad kala metela danaha maal-qabeenka iyo kuwa metela danaha dabaqada dhexe iyo xoogsatada, sida xisbiyada Labor Party iyo Conservative ee dalka Ingiriiska oo kale.
Bulshadeena, Somaliland sida inta badan Afrika loollanka siyaasaddu waxuu nuxur ahaan dhex marayaa waa qabaa'ilka ee maaha dabaqado maal-qabeen ah iyo kuwa xoogastada kala metela. Taas weli Somalildu ma gaadhin. Halkan sharci iyo Dastoor lagu kala baxo qxabaa'ilku ma yaqaaniin (dhqanka qabiilkana kuma jirto. Qabaai'lku waxay yaqaanaan dhaqan u gaara oo  ah  midkaa Garr-naqsiga iyo heshiinta. ''Runtiina, Dawladda iyo Dastoorku waa asturaadda cawrada qabiilka oo si casriyeysan loo asturaayo ee maaha dhaqanka Qabiilku ku qanci karo''. Dawlladda iyo Dastoorku waa higsashada mustaqbalka ee maaha hab-dhaqameed dhamaystiran ama isu dheellitiran, sidaa darteed xallinta khilaafaadka Africa waxaa saldhig u ah dhaqanka maxalliga ah.'' Qofkii mustaqbalka u maleeya mid maanta jiraa waa mid riyo-maalmeed riyoonaya.

Xaalada Somaliland ee maanta taagan waxaa ugu khatersan muranka ka taagan doorashada 2015ka. Waad aragtaa siyaasiyiinta dhexdooda heer-kulaylka muranku meesha uu gaadhay. Guurtitdu xaggay ka taagan tahay, miyeey daawanaysaa mise way ka hor tegaysaa, mise siyaasiyiinta ayay la kala safan doontaa? Masiirka nabadda iyo dimoqoraadiyada curddanka ah ee aynu korinayney se xaggay ku dambayn doonaan, haddii Guurtitu ka soo bixi waydo xilkeeda dibuheshiinta siyaasiyiinta?