Hargeysa (Geeska)- In la sameeyo baadhitaan caafimaad oo keena in cudurka la ogaado isaga oo weli maraya meel wax laga qaban karaa, waxa ay caawisaa in si sahal ah qofka looga dabiibo. Sida ugu sahlan ee uu qofku ku ogaan karo xanuunku inta uu bilowga ku yahayna waa in uu sameeyo shaybaadh xilliyeed iyo talo caafimaad oo marka uu muddo go’an joogaba uu maro. Waxaa iyaduna jira baadhitaanno caafimaad oo ku xidhan da’da qofka, taas oo macnaheedu tahay in da’ kasta oo qofku marayaaca ay leedahay baadhitaanno ku habboon oo lagu ogaanayo xaaladaha caafimaad darro ee da’daas laga filan karo.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Talefishanka Alcarabiya, waxa ay si fiican u faahfaahinaysa baadhitaannada caafimaad ee ay tahay in gabadhu ay samayso iyada oo u eegaysa hadba da’da ay tahay.
– Ka bilow 20 jirka: Gabadhu marka ay da’dan gaadho waa in ay Lixdii biloodba mar iska baadho kansarka naasaha, haddii ay xaasley tahay iyo gabadh kasta oo xaasley ah da’da ay doontaba ha ahaato ee waa in ay halkii sano mar iska baadho kansarka ku dhaca dhuunta ilmo-galeenka. Sidoo kale marka ay gabadhu gaadho da’da labaatanaadka waa in ay sannad kasta mar tijaabiso heerka uu marayo faytamiin D geedu, iskana hubiso dhiig la’aanta.
– Da’da 30 jirka: Gabadhu marka ay da’dan gaadho waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in iyada oo shaybaadhadii hore aynu u soo sheegnay wadda ay sidoo kalana ku darto, in saddexdii sanaba ay hal mar iska baadho xanuunnada macaanka iyo Dufanka (Kalastaroolka) sannadkiina hal mar iska baadho xanuunka dhiig karka.
– Da’da 50 jirka: Haddii ay gabadhu gaadho da’dan waxaa kaalinta koowaad ee shaybaadhada caafimaadka ay uga baahan tahay noqonaya baadhista xanuunka lafaha burburiya (Lafo-xomboboosh) oo afka qalaad lagu yidhaahdo Osteoporosis. Sida oo kale marka ay da’dan gabadhu gaadho waxaa qasab ah in xaalad kasta oo caafimaad darro oo ay dareentay ay dhaqso dhakhtar ugu tagto si loo baadho, xitaa haddii ay la tahay in xaalad sahlan ay tahay.