Cali-Sanyare Iyo Falanqaynta Nidaamka Maaliyadeed Ee wadanka

0
868

Picture1Hargeysa(Geeska)-Qaybihii hore ee waraysigii uu Wasiirkii qorshaynta ee xukuumadii hore Md. Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) uu siiyay shabakadda wararka ee Qurbejoog, wuxuu kaga hadlay siyaasadda Somaliland iyo xaaladda wadanka ka taagan.

Qaybtan maanta wuxuu kaga hadlayaa nidaamka maaliyadeed ee wadanka. Weriyaha ayaa Cali-Sanyare weydiiyay su’aashay,

Qof walba oo ka hadla nidaamka maaliyadeed ee Somaliland, wuxuu dhaliila fulinta loo maro nidaamka. Ma noo iftiimin karta ,ka aqoonyahan  ahaan ,iyo siyaasiba,caqabadaha kuu muuqda ee hortaagan nidaamka maaliyadeed ee Somaliland inuu hufnaado?

Wuxuu Cali ku jawaabay “Waad ku mahadsantahay, su'aasha  aad I-weydiisay. Waxaan jecelahay intaanan nuxurka su'aashaada ka jawaabin in aan waxyar oo hordhac ah ka horeysiiyo  oo ku saabsan waxtarka uu nidaam maaliyadeed oo hufani u leeyahay dalkasta.

Waxaa la qirsanyahay in nidaam maaliyadeed oo dhameystiran oo haddana hufan oo fulintiisuna  sugantahay  lagu yareen karo musuq-maasuqa ,gaar ahaanna, ka xafiisyada dawlada ka dhasha. .Haddiise, nidaamka maaliyadeed uu debecsanyahay,hogdalooladiisuna  badantahay ,waxaa ,si fudud , uga faa'ideysan kara masuul kasta oo kursi dawladeed ku fadhiya iyo intay musuqa  wada- wadaagaan. Waxay cilmiyi-baadhistu bayaamisay in xatooyada hantida qaran ee dalal badan oo dhaqaalahoodu soo korayo ay sababto   nidamkooda maaliyadeed oo aan dhameystirneyn amba hog-daloolooyinka oo ku badan nidaamka amba xeerka  dembiilayaasha lagu  marsiin  lahaa ciqaabta ay galabsadeen oo aan si dhab ah loo fulin.

Waxay aragtidani ku dhiirisay siyaasiyiinta dalal badan oo Afrika ah in  aanay ku degdegin dib-u-habeynta, iyo casriyeenta nidaamka maaliyadeed iyo xeerarka

soo raaca ee loogu baahanyahay  xakameynta is-daba-marinta iyo is-daba-weydaarinta xisaabaha .

Sida daradeed, waxa waajib ku ah bulsho kasta ,si loo helo maamul- wanaag iyo horumar dhaqaale, inay ka hawlgalaan sidii dalalkooda loogu soo dabaali  lahaa , halkii aannu ka jirin,nidaam maaliyadeed oo hufan oo sharciyadiisuna   uu dhantahay,xambaarsanna Isla- xisaabtan  cad oo muuqda.

Waxa loo soo galey dadaal badan inoo nidaamka maaliyadeed ee somaliland soo gaadho halkuu maanta joogo. Waxa dhidhibada  u taagay xukumaddii,alle-how naxariistee,Madaxweyne Moxamed Ibraahim Cigaal. Hase yeeshee, nidaamku weli waa qabyo. Waxa, gaar ahaan, ka dhiman Isla-xisaabtan dhab ah oo la taaban karo oo shaqeynaya, iyo hufnaantii nidaamkii maaliyadeed ee loo baahna. Koleyba, qofkii lagu

aamino ilaalinta hanti qaran ee ku nool dalalka saboolka ah, sida dalkeena, ma dhaliilo la'aanayo. Haddii madmadow lagu arkana, kabasii daran, oo dhaliiluhu way laba boqol 

laabmayaan. 

Nidaamka maaliyadeed ee dal waliba wuxuu fulintiisa u baahanyahay silsilad isku xidhan oo xubin waliba hawsha loo igmaday uga soo baxdo hagar la'aan. Haddana ah silsilad mid kastaba halkeeda ilaalineyso hantida qaranka oo dabagal iyo ilaalin isku-sameeya si waajibaadkoodii kala gedisan u kala gutaan. Haddana, waa silsilad

wada-shaqeyn joogta ahi ka dhaxeyso. Awoodahooda u gaarka ahna waxa qeexa

sharciyo kala duwan oo Isla markaasna ku waajibinaya wada-shaqeyntooda.

Hay'adahaas silsilad ah ee dalkeena waxa ka mid ah kuwa hoos ku xusan:

1. Wasaaradda Maaliyadda oo ay hoos yimaadaan.

b). Waaxda miisaaniyaddu 

t).   Waaxda  cashuuraha beriga 

j).    Waaxda  kastamada  iyo

x).   Xisaabiyaha Guud

2.    Bangiga Dhexe

3.    Hanti-dhowraha Guud

4.    Hay'ada qandraasyada

5.     Dekedda  Berbera

6.     Wasaaradda Qorsheynta (isku-jaangoynta qorshaha dhaqaale iyo

siyaasadda maaliyadeed )

7.     Golaha Wakiilada ( Guddida Dhaqaalaha)-ka doodida, wax-ka- bedelka iyo 

ansixinta miisaaniyada iyo dabagalkeeda.

Qaabka maamul  maaliyadeed ee dalku wuxuu u baahanyahay sidii loogu bedeli lahaa nidaam maaliyadeed oo  dhameystiran oo misana hufan (transparent) oo raacsan nidaamyada looga dhaqmo aduunka oo ay ku jiraan dalal badan oo Afrika ah oo hadda

dhinacaas hore uga maray sida dalka Ruwandha.

Dhibaatooyinka hortaagan in Somaliland yeelato nidaam maaliyadeed oo hufan way badnan karaan, balse aynu Isla-eegno shan iyo  tobankan (15) caqabadood ee hoos ku qoran.

1). Dabagal aan ku fileyn dhinaca cashuur ururinta oo keeni kara in wax badani faraha

dexdooda ka baxaan.

2) Awoodihii iyo qaabdhismeedkii ay lahaan lahayd ha'yad dakhli ururineed oo madax-banaan oo hadda dalka ka jirin.

3) Qorshe iyo siyaasad  madmadow ku jiro iyo wadatashi la'aan furan oo loo raaco nidaamka diyaarinta, fulinta iyo dabagalka miisaaniyada qaranka . 

4) Komishanka Qandraasyada oo  sharci ahaan iyo nidaam ahaanba u dhisneyn sidii lagu yiqiin ha'yad qandraas.

5) Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo aan ka madax-banaaneyn Wasaaradda Maaliyadda, sida dalalka badankoodu ku dhaqmaan. Taas oo awoodihii uu lahaa  daciifisay.

6) Bangiga Dhexe oo awoodihiisii bangi aanay  dhameystirneyn oo  go'aanadii uu qaadan lahaa ka Bangi Dhexe aanay muuqan.

7) Warbixin la'aan hufan oo tafatiran oo qeexeysa sidii hantida qaranka loo isticmaalay sanadwalba oo aan jirin.

8) Golaha wakiilada iyo guddidiisa dhaqaalaha oo gebi ahaanba baalmarsan fulinta awoodahooda ku cad qodobka 55aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka ee ku saabsan la-xisaabtanka xukuumadda iyo dabagalka miisaaniyada qaranka. Shaqadoodu waxay noqotay hawl-u -fududeyn ay u hayaan xukuumadda, taasoo  iyana ka soo horjeeda awoodaha la kala leeyahay ee nidaamka maaliyadeed. Waxa kuwaas ka mid ah miisaaniyada oo sanadwalba lagu ansixiyo duuduub, iyadoo xildhibaanada Golaha aan la siin, sida dastuurka dhigayo (qodobka 55aa) fursad ay kaga doodaan, waxna kaga bedalaan  miisaaniyada ka hor intaan loo codeyn ansixinteeda.Falalkaasu waxay dhabarjab weyn ku yihiin helitaanka nidaam maaliyadeed oo hufan. 

Waxaa masuuliyad xumadan Golaha Wakiilada, si gaar ah, loo xambaariyey

xubnaha aqlabiyada Golaha sheeganaya  ee sida badheedka ah ugu tuntay qodobka 55 aad ee dastuurka. Waa Isla dastuurkii lagu dhaariyey inay kula xisaabtamaan xukuumadda kuna dabagalaan miisaaniyada iyagoo  ilaalinaya hantida qaranka.

9) Iyadoo aannu jirin Hanti Dhowre  Guud oo ka madax-banaan xukuumadda oo hoos yimaada Golaha Sharci  Dejinta sida dalalka qarkood.

10) Gaabis ka jira qabyotirka dhamaan sharciyaddii maaliyadeed ee loo baahna, si

Isbedel nidaam maaliyadeed uu u yimaado.

11) Baahi weyn oo  loo qabo in shaqaalaha maaliyadda aqoontooda sare loo qaado

oo la tayeeyo. Kuwa hadda dibeda  wax-ku-soo bartey ee la leeyahay waxay gaaf-wareegayaan wasaaradda dhexdeedana xilal loo dhiibo oo la meeleeyo. Agabkii iyo

dhiirigelintii ay u baahnayeenna loo dhameeyo. "Shaqaale tayeysan la'aani waa  nidaam maaliyadeed la'aan hufan."

12) Miisaaniyadaha dawladaha hoose oo aan ka muuqan nidaamka maaliyadeed ee qaranka

13)  Deeqaha mashariicda horumarineed ee deeqbixiyaasha inooga yimaada oo iyana ,si tafatiran uga muuqan, miisaaniyada qaranka oo u baahan in deeqahaas iyo, hadday jiraan, deeqo mashaariic horumarineed oo miisaanyada loogu talo-galey lays-raaciyo.

14) Waxaa  loo baahanyahay kala-caddeynta iyo kala xadeynta cashuuraha kasoo kala baxa dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee aan hadda is- ogeyn si aan lays-kugu

xadgudbin. Hadda waxa la sheegaya cashuuro ay dawladaha hoose hore u qaadan  jireen in dawlada dhexe ka- maroorsatay.

15) Waxa kale oo loo baahanyahay warbaahin maaliyadeed,oo iyana hufan,oo laga dheehan karo warbixinno kala duwan oo ay ku jiraan kuwa hoos ku qoran:

b) Maxa laga faai'iday oo ka soo baxey natiijadii miisaaniyaddii la fuliyey sanadkii

dhamaaday.

t)Maxa kharashyo loo kala qoondeeyey sektarada  dhaqaale ee istraatiijiga ah ( strategic economic sectors), sideeebanay u kala isticmaaleen.

 j)Siduu ahaa anshaxa guud ee maaliyadeed ee ku saabsan  isticmaalka miisaaniyada.  

x) Maxay miisaaniyadu ku soo kordhisay adeegyadii bulsho oo rali geliyey shacbiga .

Waxaa xasuus mudan in la iftiimiyo in higsiga Somaliland ee ku wajahan in dalka loo 

sameeyo nidaam maaliyadeed oo hufan oo la-jaan-qaada nidaamyada caalamka ka jira uu soo jiitamayey Ilaa sanadkii 2008dii. Markaas oo  wadahadalo ay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la gashay masuuliyiin ka tirsan Baanka Aduunka (World Bank)  oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa laysla qaatey in baadhis cilmiyesan loo sameeyo sektarada ay khuseeyso si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan baahiyooyinkooda kala duwan. Kuwaas oo qaatay ururinta xogaha iyo kawadahadalkoodu hal sano ku dhawaad. Waxa mar dambe lagu heshiiyey in mashruucu bilaabo kadib doorashadii Madaxweynaha ee sanadkii 2010ka, Waxay miisaaniyada mashruucu  markaas ahayd 8 milyuun oo dolaar.

Waxaa la qoray  koox khubaro reer Somaliland ah oo ka koobneyd 6 xubnood, kuna timid tartan imtixaan furan ah . Waxaa loo soo xulay inay badhitaaraan fulinta mashruuca. Xafiisyadii lagu shaqeenyeyna oo qalabeysan waa la diyaariyey. Kadib  markii xukuumaddii UDUB meesha ka baxday ayaa isfaham la'aan ka aloosmay Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Aduunka dhexdooda  taas oo hakisay wakhtigii loogu talogaley in mashruuca la bilaabo.Wuxuu mashruucu deldelnaa oo marna si gaabis ah ku socday muddo saddex sanadood ku dhow.

Waxaa Nasiib wanaag ah in Wasiirka Maaliyadda ee hadda jooga uu ku caddeeyey warbixintiisii uu ka horjeediyey  kalfadhigii 26ad ee Golaha Wakiilada, 30kii Noofembar, 2014, kuna saabsaneyd "Odoroska Miisaaniyadda ee sanadka 2015 in mashruucii dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland uu bilaabmi doono bisha  aynu soo dhaafnay ee Janawari, 2015. Wuxuu kaloo sheegay in miisaaniyadda mashruucu yahay 7.2 milyan oo dolaar, markaasna Wasaaradda loo soo gudbiyey qaybtii hore ee miisaaniyadda oo noqoneysa  4.5 milyan oo  dolaar. Waxaan jecelahay in Wasiirka iyo Wasiirul-Dawlihiisa iyo saraakiisha kale ee kala shaqeyn doona mashruuca aan u hambalyeeyo,kuna boogaadiyo in mashruucan waxtarka weyn u leh dalka iyo dadkaba, si habsami leh oo hagar la'aani ku jirto loo fuliyo. Waxaa hubaal ah in dad badan oo ku feejigan xaqiijinta maamul wanaaga dalka ay idinla socon doonaan.”