Roobka Iyo Murugadu Waxa Ay Aad U Xoojiyaan Qaybta Xasuusta ee Maskaxda Qofka

0
267

Sydney (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Australia ayaa sheegay in daraaso cilmi ah ay ku ogaadeen in roobka iyo murugaduba ay faa'ido badan u leeyihiin hab-sami u shaqaynta maskaxda, isla markaana gacan weyn ay ka geystaan awoodda xasuuseed ee qofka. Waxa ay cilmi-baadhayaashu tilmaameen in tijaabo lagu sameeyey heerka iyo awoodda xusuuseed ee qofka lagu ogaaday in ay ugu fiican tahay xilliga uu dareemayo diiqqadda iyo cidhiidhiga.

Xeel-dheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey oo tijaabo ku sameeyey arday imitxaan gelaysa, ayaa natiijada ka soo baxday ay noqotay in ardaygu marka uu cadho ama murugo dareemayo uu ka dhibco sarreeyo kana xasuus badan yahay ardayga imtixaankaas gala isaga oo ku jira xaalad farxadeed. Waxa ay cilmi baadhayaashu sheegeen in farxadda iyo badhaadhuhu ay qofka ka dhigaan in aanu feejignaan iyo u fiirsi badan siinin arrimaha la soo dersaya isla markaana aanu qofkani wax fiirsi ah u gelin waxa ku xeeran, halka marka qofka xaaladdiisu kacsan tahay ama uu roobku hayana uu noqdo qof feegigan una fiirsada waxa ka hareero dhacaya.