Xildhibaano Jawaabo Ka Bixiyay Eedaymo Ka Soo Yeedhay Laba Xildhibaan Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Abuuridda Ciidanka OPU

0
514

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland,  ayaa jawaab adag ka bixiyey dhaliilo iyo eeddo ka dhan ah Xukuumadda oo ka soo yeedhay Xildhibaan  Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), iyo Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), oo ah XIldhibaano Golaha Wakiilada ah, isla markaana ka mid ah xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani kuwaas oo sharci darro ku tilmaamay aasaaska ciidanka ilaalada khayraadka oo ay ka digeen inay dalka fawdo gelin karaan. Wargeyska Geeska Afrika ayaa cadadkiisii 2085aad baahiyay waraysiyo uu la yeeshay xildhibaanadan oo si adag uga digay hirgelinta ciidankaas.

Hase yeeshe Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) ayaa iyaga oo si wada jir ah ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada gaarka ah ee loo tababarayo ilaalinta Shirkadaha Shidaal baadhista ay yihiin ciidamo sharciya oo laga soo xuli doono Ciidamaada Qaranka iyo Booliska.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa isagu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  “Inkasta oo aanay jawaabtu istaahil ku ahayn ayaan haddana doonaya inaan u jawaabo Labadii Xildhibaan ee Qaranka u dhaartay, ee ka hadlay Shirkadaha Shidaalka sahaminaysa, Salaadii Jimce Wadaad ayaa na wacdiyey, waxaanu noo sheegay in xaasidnimadu wax walba ay ka xun tahay, wax walba wey ku gaysa, marka Nimankaas Wadanka u dhaartay, ee Qaranka u dhaartay, ee og in aan Dalkoodii aan wali la ictiraafin,ee og in dalku dhaqaale u baahan yahay, ee ka xanaaqaya ee leh Shidaal ayaa la soo saraaya oo horumar ayaa la gaadhi doonaa, la yaabi mayno oo waa kuwii odhan jiray marka Waddo la samaynayo, ama Wasaarad la sameeynayo, ama kordhisiimo la sameeynayo, odhan jiray waa been, marka la sameeynaya nixi jiray, oo marka meel la dhagax dhigo ka xanaaqi jiray, ”.Xildhibaan Axmed Maxamed Diiye (Nacnac), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Maanta Shidaalkii waa la soo saaraya, ILLAAHAY SWT ha inooga dhigana sahan kheyr qaba, waxaana leeyahay ha ka xumaanina ee ILLAAHAY SWT ka barya inuu inoo saaro, maxa yeelay dadkeenii waad og tihiin,Caruurteenii inay tahriibtay waad og tihiin, in Wadankii laga yaacay waad og tihiin, waxaasina waa faqiirnimada, faqiirnimadana ILLAAHAY SWT ayaa inaga saaraya, oo sabab inooga dhigaya Shidaalka, oo Ceel qudha ayaa inagu filan, mar hore waxa aan idhi Walaahi Hindida iyo Falibiiniyuuntu inay inoo soo shaqo tagi”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha iyo dhaliilaha loo soo jeediyo waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay walaalayaal iska daaya xaasidnimada iiyo naxliga aad abuuraysaan, iyo waxa aad leedihiin Madaxweynuhu waxaas muu sameeyn oo waa been, waxaana dhab ah inuu Madaxweynuhu yahay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ina hogaaminaayey SNM, waxa uu ku dhaartay inuu dalka horumar gaadhsiin doono,waxaanu balanqaaday inuu Wadanka ka tagi doono isaga oo horumar gaadhsiiyey,  waa Mandelihii Somaliland,kuwii hore ayaa habaartami jiray, ee waxaan leeyahay Habar waxba kuma qaadaysaan ee iska daya Habaarka, oo waxtarta Wadanka dhiirigeliya, oo si aad dadka nooga kasbataan waxa aad tidhaahdaan haddii wax hadheenba Mashaariicdaas ayaanu fulin doonaa”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), mar uu ka jawaabayey dhaliilo ay Xildhibaanadani u soo jeediyeen Wasiirka Tamarta ayaa yidhi “Wasiirka Tamartu waa Nin Injineer ah oo shaqadiisa ka adag, Ninka shaqadiisa ka adag ayeyna Somaliland daba gasha, marka uu sahanku dhamaadana ayaa Barlamaanka la hor keenaya, ee iska daaya xaasidnimada.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo isna jawaab ka bixiyey hadaladan ka soo yeedhay Xildhibaan  Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), iyo Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Waxa  aan qarsoonayn oo muuqata dadaalada ay Xukuumaddu doonayso inay ku sahamiso Shidaalka, oo wax badan ka taraya shaqalaynta dadka, wax badan ka taraya Gaadiidka la kiraysto, imika Shidaal soo saaristii maaha ee waa sahamintii, waxaana anigu u arkaa dadaalo fara badan oo ay Xukuumaddu ugu jirto inay dadkeeda ku taageerto dhaqaale ahaan, marka Maanta in la sameeyo Ciidan u gaar ah, oo khuseeya amniga arimahaas waa arin sharciya, waxa imikaba jira Ciidamada Qaranka qaar ka mid ah oo Wasaradda arimaha guddaha hoos yimaada, oo Xeer Madaxweyne lagu aasaasay, oo iyana kuwaas ayey la mid noqonayaan, markaas waxaad mooda in Xildhibanadaas jahli fara badani ka hayo xagii Shuruucda,waxaanad mooda inay ka muuqato nooc  xaasidnimo ah,oo dadaalada lagu jiro ka indha saabay inay arkaan, waxaan odhan lahaa bal markaad qabsataan Xukunka wax dhaha, balse waxa hadda jira xaasidka ka daaya”

Xildhibaan  Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere), oo ka hadlay Cidamada gaarka ah ee loo tababarayo Shirkadaha baadhaya Shidaalka iyo halka ay ka imanayaan, waxa uu yidhi “Ciidamadani maaha Ciidamo cusub oo la qoroyo, waa Ciiidanka Booliska iyo Ciidanka Qaranka jira ayuunbaa laga sameeynaya Ciidan kale, waana Sharciyo, Sharci diidaya ma jiro, laakiin waxaad mooda in xaasidnimo iyo aqoon daro labada ay hayso, waxaana odhan lahaa waxaas oo kale maaha wax qarsoomaya ee sheeko kale keena”.  Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere), mar uu ka hadlaayey heshiisyada waxa uu yidhi “Heshiisyada waa la yaqaana waxa imanaya Golaha, qaarna waa qaar Xeer Xukuumaddeed ku kooban, qaarna waa qaar Golaha hor yimaada, Golahani muu sameeyn Sharci lagu maamulayo Shidaalka, balse Golayaashii hore wey jireen Sharciyo wax lagu maamuli jiray, Xeerkana waxa aan filayaa inuu Golaha iman doono, Xeerarkaas horena Xukuuamdda wey u fasaxayaan, Wasiirka Macdanta iyo Tamartu hore ayuu u yimid Golaha Wakiilada, oo uu ka caddeeyey inuu Golaha hor keeni doono wixii heshiisyo ah ee diyaar ah iyo heshiisyada ay Xukuumaddu gashay, ee taasi meesha ay ka martay garan maayo, waxaad tihiin Niman Xildhibaano ah, oo muddan in la idiin ixtiraamo,  ee ha ka bixina Shuruucda oo aqoon darada iska daaya.”