“Waxaan Ku Talin Lahaa In Cadaalada la ilaaliyo iyo In Somalilandnimada Loo Sinaanado”

0
499

Picture4Hargeysa (Geeska)-La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barri Fu’aad Aadan Cadde, kana mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in inta wax la kala tabanayo oo ay Somaliland iyadu is eegayso inay cid walba  faraha la soo galayso, oo arimaheeda la soo fara gashanayo, cadawna uu ka faa’iidaysanayo, waxaanu ku baaqay in la tashado, oo la isku duubnaado, oo cadaalada iyo sinaanta Somaliland lagu dadaalo, waxaanu tilmaamay in haddii taas la  helo in cid Somaliland u soo badheedhaysa oo wax yeelaysa ama dhaliilaysaa aanay jiri doonin. La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barri Fu’aad Aadan Cadde ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay waxa uu jawaab ka bixiyey hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ee ahaa inay Somaliland iyo Somalyia ay dib u midoobi doonaan, waxaanu xusay inuu Madaxweynaha Somaliya uu iska hadlay, oo Somaliland cid ku qasbi karta  inay dib uga mid noqoto Somaliya aaany jirin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Dawladda Somaliya waxa ay rabtaa inaynu dib iskugu noqono, oo dib loo midoobo, inaguna waxa ay rabnaa in aynaan dib ugu laaban Somaliya, oo mawqifkaas mar hore ayeynu qaadanay,cid nagu khasbi kartaa ama wax ina yeeli kartaana ma jirto, Madaxweynaha Somaliya-na isaga ayaa iska hadlay, oo wax alaale waxa uu ka og yahay Somaliland iyo meel uu ka xukumaa ma jirto”. Ayuu yidhi.

Fu’aad Aadan Cadde oo hadalkiia sii wata ayaa yidhi “Inta ay Somaliland dadkeenu sii kala jeedo, inta ay Somaliland dhexdeeda wax kala tabanayso, oo ay iyadu is eegayso, cid walba wey ku soo dhacaysa, oo cid walba wax ayey odhanaysaa, waxaan se ku talin lahaa in cadaalada ilaaliyo, iyo Somalilandnimada loo sinaanado, meelna looga soo wada jeedsado, in mawqif qudha la lahaado, in guud ahaan Bulshada reer Somaliland isku duubnaadan iyo in wixii tabasho ee markaas jira sida ugu dhakhsaha badan loo dhameeyo, markaas haddii aynu qodobadaas fulino waxa hubaal ah in cid wax ina yeelaysa cid dhib inoo geysan karta iyo cid arimaheena ka hadli kartaa aanay jiri doonin”.