Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Shirkii Golaha Ammaanka Iyo Somaliland

3
1002

 

itoooooobiyaAddis Ababa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa ka hadashay kulankii dhawaan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ku dhex maray weftigii ka socday dawladda Somaliland iyo xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa bogeedda toddobaadlaha ah ee ay ku falanqayso siyaasadda iyo dhacdooyinka gobalka Geeska Afrika, waxa ay ku sheegtay inay weftiga Somaliland kulan gaar ah la yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Golaha ammaanku waxa kale oo ay kulan gaar ah la yeesheen wefti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar.” Ayay tidhi wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya iyadoo ka hadlaysay kulamadii uu weftiga golaha ammaanku ku qabtay Nayrobi, laakiin may faahfaahin waxyaabaha kulankaas lagaga wada hadlay.

Waxa ay intaas ku dartay inay sidoo kale weftiga golaha ammaanku la kulmeen siyaasiyiinta reer Muqdisho.

Comments are closed.