Reer Buhodle Oo Si Diiran U Soo Dhaweeyay Xagla-Toosiye Iyo Weftigiisa

0
534

Picture5Hargeysa(Geeska)-Weftigii uu Hoggaaminayay siyaasiga weyn iyo Guddoomiyihii Ururkii SSC Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa shalay  si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle oo uu ka soo jeedo. Laakin dadka soo dhaweeyay qaar kamid ah ayaa lulayay calanka dalka Somaliya.

Waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Boqolaal qof ooo ka mid ah bulsho-weynta ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa weftiga si diiran ugu soo dhaweeyay duleedka magaaladaasi. Waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen nabadda ay isla qaateen Xukuumadda iyo weftigii Saleebaan Xaglo-toosiye.

Waxa kale oo ay taageereen maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii hore ee dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo cafiska ku sii daayay oo tiradoodu dhamayd 68 Maxbuus.

Dr. Saleebaan Ciise Axned Xaglo-toosiye oo hadal u jeediyay dadweynihii Buuhoodle ku soo dhaweeyay ayaa uga xog-waramay kulamadii nabadda lagu gaadhay ee uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa.

Saleebaan wuxuu sheegay inay nabad aan shuruud lahayn la soo galeen xukuumadda Somaliland, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Buuhoodle inay nabadaasi ilaashadaan kuna faro-adaygaan.

Waxa kale oo uu tilmaamay in tallaabadii aaga Buuhooodle lagaga qaaday ciidamadii qaranku ay qeyb ka ahayd heshiis taariikhiya oo uu la galay xukuumadda Somaliland oo uu uga mahad celiyay siday uga aqbashay qodobadii ay kala hadleen.

Geesta kale, ka hor intii aanu weftiga reer Buhodle gaadhin magaaladii Buhodle ee ay ka yimaadeen, Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Boqolaal qof oo ka socday bulshada ayaa shalay ku sii sagootiyay degmada Qorilugud weftigii waxgaradka Buuhoodle ee uu Hoggaaminayay siyaasiga weyn ee Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ka hadlay xafladii lagu sii sagootiyay weftiga reer Buuhoodle, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin nabadda ay isla qaateen waxgaradka reer Buuhoodle.

“Waxaan filayaa in weftigani guul kula laabanayaan deegaanka Buuhoodle, waxaan ku faraxsan nahay sida ay dadka reer Qori-lugud u sii sagootiyeen weftigan waayo colaadii dhacday waa dadkii ay saamaynaysay, waxaan idinka rajaynayaa inaad nabadda la qaatay aad dhinaciina ka dhawrtaan oo aad ilaalisaan oo isu dul qaadataan oo walaalnimadiina ilaashataan,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Hargeysa(Geeska)-Weftigii uu Hoggaaminayay siyaasiga weyn iyo Guddoomiyihii Ururkii SSC Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa shalay  si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle oo uu ka soo jeedo. Laakin dadka soo dhaweeyay qaar kamid ah ayaa lulayay calanka dalka Somaliya.