Xawaaladaha Shirkadda Dahabshiil Oo Xaddiga Macaamiisha Darteed Bilaabay Inay Shaqeeyaan Ilaa Xilliyo Dambe Oo Habbeenkii Ah

0
452

Picture4Hargeysa ( Geeska)- Xawaaladaha Shirkadda Dahabshiil Group ee magaalooyinka iyo degmooyinka gobollada Somaliland, ayaa lagu kordhiyey waqti dheeraad ah oo ay shaqeeyaan xilliyada habeenkii, kadib markii kor-u-kac badani ku yimi tirada macaamiisha shirkadda oo buux-dhaafiyey xarumaha kala duwan u diyaar-garawga Ciidul fidriga awgeed oo guud ahaan si weyn suuqyada dalka looga dareemayo.

Guud ahaanba xafiisyada Xawaaladaha Shirkadda Dahabshiil ku leedahay magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka kala duwan ee gobollada Somaliland, ayaa bilaabay tobankii dambe ee bishan barakaysan ee Ramadaan inay habeen iyo maalinba shaqeeyaan, iyadoo dadweynuhuna safaf ugu jiraan qaadashada iyo dhigashada lacagaha, gaar ahaan qaadashada lacagaha waqtiga Ciidda awgeed dadka  eheladooda qurbuhu u soo diraan iyo kuwa lacagtu ugu kaydsan tahay shirkadda. Waxaanna qaybaha bulshadu si farxad leh u soo dhaweeyeen waqtiga habeenkii ee ay shirkaddu ku soo kordhisay shaqadeeda oo hadda ka hor maalintii oo keliya ku ekeyd.

Haddaba, warbixin xiiso badan oo Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ah weriye madaxbannaan ka diyaariyey shaqada xawaaladaha shirkadda iyo diyaar-garowga munaasibadda Ciidul Fidriga ee suuqyada Hargeysa, waxay u dhignayd sidan;

“Waxa ii suuragashay inaan xalay booqdo goobo ka mid ah suuqyada ganacsiga ee magaalada Hargeysa iyo Xarunta dhexe ee Xawaaladaha Dahabshiil ee Gargaar, taasoo waqtigaas oo ku beegnayd ilaa 9:00 habeenimo dadweynuhu safaf ugu jireen adeegyada ay bixiso ee lacagaha sida qaadashada, dhigashada iyo sarrifkaba, isla markaana masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada shirkadda Dahabshiil a