AF-HAYEENKA IYO INTUU U WARAMO

0
905

 

Shure 55SH-2 1 djkit

 

 

Axmednagaashe-Niarobi-Kenya 

Safarkii madaxwaynuhu ugu baxay socdaalkii Shiinaha ayaa daaha ka rogay fadeexado la yaab leh oo in muddo ah ku huursanaa xafiisyada saraakiisha madaxtooyada qaarkood iyo garasho la’aanta in badan oo warbaahinta dalka ah.

Waxa la yaab ah runtiina fadeexad ku ah qaran doonaya inuu dunida ka mid noqdo, waliba ay haatan golahiisa xukuumada  ku jiraan aqoonyahannadii ugu badnaa ee marqudha wada shaqeeyaa, in ay illaa haatan garan laayihiin inay hagaan saraakiisha iyo xafiisyada ay bulshada u mariyaan warbixinaha loogu talo galay inay gaadhaan bulshada dalkan iyo guud ahaanba dunida inteeda kale. Waxa kaloo nasiib darro ah in dalkan ay ka jiraan warbaahin aad u tiro badan oo had iyo goor ku dooda inay yihiin xirfadleyaal madaxbanaan oo ay muuqato in intooda badani aanay raadin karin xaqiiqo muuqata, iska daa inay daah furaan wax inaga qarsoone.

Qormadani maaha dhaleecayn, waase dhaliil gacaltooyo iyo muwaadin damqaday dareenkii, waana afeef aan jeclahay in sideeda loo dareemo. Aan u dego fadeexadan iyo sidii ay karaamada wadanka iyo sharafta madaxwaynaheenaba u dhaawacday waxay tahay iyo inta ku eedaysan.

Dib u dhacii duulimaadka diyaaradii qaaday madaxwaynuhu wuxu keenay in ay diyaaradaasi fadhiisato magaalada Dire Dawa ee dalka Ethiopia goor danbe oo fiid ah, iyagoon waxba iska waydiin sababta iyo sida ay arrintaasi ku dhacday ayaa in badan oo warbaahinteena ahi, ay markiiba ku macneeyeen khilaaf ka dhex dhacay duuliyihii diyaarada iyo waftigii uu qaadayay. Waxay ku dareen af lagaado fool xun oo ay sharaftii qaranka erayo aad u fool xun ku dhaawaceen. Garoo hada waxay inna leeyihiin waa xorriyad iyo warbaahin madaxbannaan waxayse muujiyeen sida ay uga arradanyihiin wadaniyada iyo ixtiraamka ummadooda iyo garasho la’aanta ka haysata raadinta xaqiiqo muuqata. Waxa kale oo ay intaa ku dareen faallooyin aad u liita oo ay kaga dhigeen socdaalkii madaxwaynaha mid shakhsiyaad maalqabeeno ah oo gaara loogu dan quminayo..

Eedda ugu wayn, hadaba, waxa iska leh af-hayeenka madaxwaynaha oo muujiyay in aanu waxba badan dhaamin yar yarkan qaladka ka fahmay macnaha warbaahinta madaxa bannaan. Sarkaalka qabanaya shaqadani waa inuu ogaada in looga baahanyahay, garasho, xogogaalnimo, deganaan, iyo xulashada erayo hufan. Waa markii labaad ee inta aan qof ahaan xasuusto uu galay qalad aad u fool xun oo muujinaya sida aanu garasho badan ugu lahayn xilkiisa iyo raadinta xogta oo ku yar. Garan maayo gudoomiyihii ururka saxafiyiinta Somaliland iyo tifaftire wargaysna waa ahaan jiraye sida wax u hoos mareen! Mise tolow markiisa horeba wuxu ahaa uun mid ka mid ah warfidiyeenkan aan dhaliilayo!

Markii ay warbaahintan aan dhaliilayaa la soo xidhiidheen ee ay waydiiyeen waxa keenay in diyaaradii madaxwaynaha siday ugu baydho Dire Dawa ayaa af-hayeenku wuxu ugu jawaabay, waa siday fidiyeen warbaahintuye,  in hadii gabalba dhaco aan diyaaraduhu fadhiisan airport-ka wayn ee magaalada Addis Ababa oo aan waliba loo ogolayn diyaaradaha transit-ka ah!!! Isagoo is leh marlabaad war ka bixi madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wuxu intaa raaciyay in madaxwaynaha la dejiyay huteel meeqaamkiisu sarreeyo, intaa wax macno leh oo kale kuma darin.

Hadii uu af-hayeenku waydiin lahaa saraakiisha duulimaadka ee wasaarada duulista hawada dalka waxa xaqiiqo ah inuu heli lahaa xog faahfaahsan oo maangal ah oo uu dadka iyo warbaahintaba u sheego: diyaarada madaxwaynaha qaaday waxay ahayd diyaarad yar oo ah nooca ku duula jooga hoose oo lagu hago aragtida duuliyaha ama ay yidhaahdaan waaxda duulista diyaaraduhu Vissual Flight Rules (VFR) taas oo macnaheedu yahay in aanay diyaaradan yari duuli Karin marka gabbalku dhaco ee madawgu daaho dunida, maadaama aanay lahayn qalabka lagu duulo ee lagaga maarmo aragtida duuliyaha. Waxa kale oo jiray in madaxwaynuhu sidii qorshuhu ahaa dib ugu dhacay shaqada uu qaranka u hayo darted taasina ay keentay inay diyaaradan oo ku duusha joog hoose xawaaraheeduna koobanyahay aanay suurto gal u ahayn inay sii wado duulimaadkeeda, waxa kale oo iyana uu duuliyuhu ku xisaabtamayay cimilada iyo dhulka buuralayda sare ah ee ay ku taallo Addis Ababa iyo xogta uu ka helayay xarutna hagidda duulimaadyada ee Ethiopia oo sida muuqata ku wargalisay in aanay cimilada iyo xaalada markaa jirtay aanay saamaxay in xataa uu isku soo biimeeyo garoonka Addis Ababa sidaa darteedna uu u weecdo magaalada Dire Dawa oo aad ugu dhaw Hargaysa diyaaraduna gaadhi karaysay xilli iftiin ah. Intaa kooban isagoo ka heli kara saraakiisha duulista hawada ee Somaliland, ayuu af-hayeenku doortay inuu isku qaado oo ka warbixiyo wax aanu ka warhayn, taas oo muujisay in xafiiska af-hayeenka madaxwaynuhu aanu ahayn mid gudbin kara fariimaha madaxwaynaha, isla markaana ka arradan doonista xogta uu u baahanyahay iyo halka laga heli karoba. Qasab maaha in aad wax walba garan kartaa, waxase muhiim ah inaad garan karto sida aad ku kelayso xogta aad u baahantahay, waa hadii aad tahay suxufi u laylyan mihnadan, amaba guud ahaan ( Public relations and communications)

 Waxa kale oo iyana maalmo uun ka hor  af-hayeenku galay gaf kale oo aad u fool xun waa markii uu ka warbixinayay waxqabadkii dawlada mudadii sanadka ahayd ee ay xilka haysay. Marka horeba, inuu isagu hawshaa isku qaado  may ahayn maadaama uu yahay isagu af-hayeenka madaxwaynaha oo keli ah, hawshani waxay ku fiicnayd inay ka warbixiyaan wasiirka warfaafinta somaliland ama sarkaal ka tirsan wasaaradiisa oo uu u xilsaaro mar hadii ay xukuumadii oo dhami waxqabadkeeda soo bandhigayso. Taasi waa mid guud, waxase la yaab lahayd in saxafiga wayn ee af-hayeenka madaxwayna ahi sheegay waliba ku adkaysay arimahan: in markii u horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay xoghaya guud ee qaramada midoobay 9 July 2011 markii madaxwayne Siilaanyo kula kulmay Jubba Ban Ki-moon; in markii ugu horraysay madaxwayne Somaliland la kulmay wasiir arrimo dibadeedka Britain oo ahayd markii madaxwayne Siilaanyo Addis Ababa kula kulmay William Hague iyo arrimo kaloo badan oo aad u qosol badnaa.

Wariye ka mid ahaa warfidiyeenkii warbixinta dhagaysanayay ayaa isagoo yaaban waydiiyay af-hayeenka, si uu malaha u hubsado inay halmaan hadal ahayd iyo in kale, inuu ka warqabo in aanay ahayn markii u horraysaye ay tahay kulan uu madaxwayne ka mid ah madaxwaynayaashii Somaliland la yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo wasiiru arimo dibadeedka Britain, ayaa wuxu su’aalay sida la isku waafajin karo  hadalkii af-hayeenka ee maalintaa iyo kulamadii muddo hore ay la yeesheen madaxwayneyaahsii Somaliland ee kala danbeeyay: Madaxwayne Cigaal oo la kulmay xoghayahii guud ee hore Kofi Anan iyo kulankii uu Madaxwayne Rayaale la yeeshay wasiir khaarajigii horee Britian David Miliband. Af-hayeenku si kalsooni ah ayuu ugu jawaabay in aan waxaasi dhicin oo aanay jirin waxa wariyahaasi sheegayayna ay tahay uun been uu ka soo akhriyay websit-yo aan lagu kalsoonaan karin balse warkiisu yahay biyo kama dhibcaankii xaqiiqada ahaa. Arintani waxay muujinaysaa in af-hayeenu aanu wax badan kala socon taariikhda dalkiisa warna aanu u haynin dadaaladii iyo socdaaladii madaxwaynayaashii horee dalku ugu jireen suuq gaynta Somaliland. Su’aasha markaa qofku is waydiink araa saw ma noqon karto: maxaa kallifay in xukuumadan dhan ee wada aqoonyahanka ah iyo madaxwaynaheedan ruug caddaaga ahi ay xafiiskan cid ku haboon u keeni waayeen, mise tolow qudhooda ayaa Doctorate-yadoodu barakaysanyihiin?!! Mise tolow arrinku waa ula kacoo cid kasta oo markii xisbigan talada hayaa mucaaradka ahaa sida sakhiifnimada ah wax ugu caayi jirtayba waa inay xil helaan xataa hadii ay fool xumo u soo jiidayaan qaranka iyo madaxwaynahaba? Ku darsoo waxa igu maqaal ah in wafti ku suganaa London 18 May 2011  oo wasiiro ahaa kana mid ahaa af-hayeenka madaxwaynuhu ay waxba u sheegi kari waayeen warbaahintii Ingiriiska ee ka warbixinaysay bannaan bixii jaalliyada Somaliland ee UK taasoo  keentay in dhawaqii dadkeenu meel dheer gaadhi waayay,… waa badheedhee kama aha xukuumada iyo madaxwayne siilaanyo waxani garasho la’aan!!!

Xafiiska protocolka iyo guud ahaanba hab dhaqanka wasiirada qaarkoodna waa inoo qormo kale  iyo dhaliil gacal tooyo

 

 

Axmednagaashe-Niarobi-Kenya