Raysalwasaaraha Ingiriiska Oo Arbacada Toddobaadka Dambe Golaha Baarlamaanka Su’aalo Lagaga Weydiin Doono Somaliland

0
4698

 

cameranLondon(Geeska)-Qaar ka mid ah mudanayasha Baarlamaanka dalka Ingiriiska ee sida weyn u taageera qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa qaban qaabinaya inay Raysalwasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron ay weydiiyaan su’aalo Somaliland ku saabsan.

Toddobaad kasta waxa uu Raysalwasaaraha Ingiriisku horyimaadaan Baarlamaanka, halkaas oo lagu weydiiyo hadba wixii toddobaadkaas ku cusbaa, Sidaas daraadeed waxa ay xildhibaanada Ingiriiska ah ee Somaliland taageeraa qorshaynayeen inay Arbacadii toddobaadkan ku weydiiyaan raysalwasaaraha kulankiisa Baarlamaanka, laakiin sida ay ilo xogogaali sheegeen waxa lagu mashquulay khudbad  uu Madaxweyne Barak Obama shalay u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska isagoo booqasho ku  joogo dalkaas, waxaana la filayaa inay xildhibaanadani Arbacada toddobaadka dambe Mr. David Cameron ku weydiiyaan kulanka uu ku hor iman doono Baarlamaanka dalkiisa.

Mar hore ayuu xildhibaan Allun Michael raysalwasaarihii hore Mr. Gordon Brown kulan uu Baarlamaanka la lahaa waxa uu ku weydiiyay Somaliland iyo qaddiyadeeda iyadoo uu kulankaas goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Si kastaba ha ahaate Mr. David Cameron ayaa la filayaa in toddobaadka dambe  su’aalaha la weydiin doono ay ka mid noqon doonaan  codsi ay jaaliyadda Somaliland ee Ingiriisku u gudbiyeen dabaal deggii 18 May ee sannadkan, iyagoo isla maalintaas dibad bax aan hore loo arag ka hor dhigay xarunta Baarlamaanka Ingiriiska, waxaana dhambaalka codsiga ah u gudbiyay Raysalwasaaraha qaar ka mid ah  madaxda jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ee Somaliland taageera. Dhambaalkaas ayaa Mr. David Cameron lagu weydiistay inay dawladiisu hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland, maadaaama oo ay ahayd dawladii Somaliland gumaysan jirtay xilligii ay ka tirsanayd maxmiyadii Ingiriiska.