Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Markii U Horaysay Xukun Culus Ku Riday Haweenay Badhtamaha Suuqa Ku Cayday Diinta Islaamka

4
1108

 

 

 

Guddoomiyaha-Maxkamada-Degmada-HargeysaCabdirashiid-Beer-geel

 

Hargaysa(Geeska)-Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa markii u horaysay inta la ogyahay taariikhda xukun ku riday haweenay lagu helay dambi ah inay badhtamaha Hargeysa ku cayday diinta Islaamka.

Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Canab Baaruud Maxamuud, da’deeduna tahay 35 jir waxa lagu xukumay laba sannadood oo xadhig ah iyo tawxiidka oo loo qabtay. Waxaana dambigaas ku caddeeyay laba nin oo markhaati ah oo sheegay inay goob joog ka ahaayeen badhtamaha suuqa Waaheen oo ay haweenaydaasi diinta ku cayday. Markhaatiyaasha ayaa sheegay in dhawr goor oo hore suuqaas lagu arkay gabadhan oo diinta caayaysa. Qaar ka mid ah dadweynaha suuqaas ka ganacsada ayaa haweenaydan u gudbiyay guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista oo iyaguna u dhaadhiciyay Saldhiga News Hargeysa oo baadhis ka dib u gudbiyay xeer ilaalinta.

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Md. Cabdirashiid Beergeel ayaa gabadhaas xukunka ku riday, ka dib markii lagu cadeeyay dambiga islamarkaana ay iyadu si rasmi ah u qiratay, waxaanu guddoomiyuhu haweenaydaas ka waainayay inaanay mar dambe caayin diinta Islaamka.

Gabadhan ayaa markii la xukumayay waxa ay ku jirtay xaalad murugo ah, inkastoo markii la xukumay aanu dareenkeedu isbedelin.

Talaabadan ay qaaday maxkamadda degmada Hargeysa ayaa digniin u ah dad badan oo reer Somaliland ah oo caadaystay inay aflagaadeeyeen diinta, malaa’giinta rasuulka (SCW) iyo illaahay SWT, waana tallaabo lagu yarayn dadka karo ficililadaas caadaystay.

Comments are closed.