Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Garowsadaan Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland

0
1016

 

P1030738Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale beesha caalamka ugu baaqay inay garwaaqsato aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo u waramay wakaaladda wararka ee AFP, wuxuu sheegay inay bulshada Somaliland u qalanto ictiraafka ay u baahanyihiin, “Waxa la gaadhay wakhtigii ay bulshada caalamku tixgelin siin lahayd dedaalka dadka Somaliland ee ay siin lahaayeen ictiraafka ay dadka Somaliland u baahanyihiin ee ay u qalmaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuu sheegay oo uu ku adkaystay in madaxbanaanida Koonfurta Sudan ay fure u noqon karto aqoonsiga Somaliland, “Dhibaatada na kala haysatay Midowga Afrika waxay ahayd inaan xuduudihii Afrikaanka la bedeli doonin, laakiin doodaasi hadda wixii ka dambeeya way beenowday.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu sheegay inaanay Somaliland la hayste u noqon doonin dhibaatoyinka ka jira dalka Somaliya oo uu sheegay xataa inaanu wax isbedel ahi ka soo muuqan, “Bulshada caalamku way arki kartaa suurtogalnimada isbedel ka dhaca Somaliya xataa inaanu muuqan,  mana jirto sabab aanu la hayste ugu noqono xal loo helo Somaliya.” Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu sheegay inay Somaliland taageersantahay dedaalada ay bulshada caalamku xalka ugu raadinayso Somaliya, “Waxaanu ka rajaynaynaa bulshada caalamku inay xal u hesho Somaliya, waanan taageeraynaa dedaalada bulshada caalamka ee arrintan la xidhiidha, laakiin yaanay noqon mid aanu annagu ku dhib mudano.” Ayuu ku dooday Madaxweynuhu.