Raggu Been Ayaa Ay Dumarka Ku Haasaawiyaan, Laakiin Gabadhu Wax Ay Leedahay Dareen Garan Kara Beentaas

0
971

Washington (Geeska)- Rag badan ayaa ay caado u tahay in ay abuurtaan beeno iyaga oo ku andacoonaya in beenta oo ay sheegaan tahay jidka ugu dhaw ee ay xaaskooda ku raalli gelin karaan kuna kasban karaan kalsoonideeda. Cilmi baadhis cusub oo dhowaan ay samaysay xarunta cilmi baadhista ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in  raggu ay xariif ku yihiin allifidda beenta iyo dhisiddeeda marka laga hadlayo nolosha qoysnimo. Cilmi-baadhistan uu Geeska Afrika u soo turjumay akhristayaashiisu waxa ay sheegtay in raggu ay sidoo kale xariifiin ku yihiin helista fursadaha beentu ku habboontay iyo is waafajinteeda si aanay gabadhu u dareemin. Arrinta xusidda mudanina waa in mar kasta uu jiro xidhiidh ka dhexeeya heerka fariidnimo iyo garasho ee qofka iyo beenta, taas macnaheeduna yahay in Mar kasta oo heerka fariidnimo ee qofku sarreeyo ay yaraanayso beenta uu sheegayo iyo awoodda uu u leeyahay inuu been allifaa, halka mar kasta oo uu qofku u dhowaado doqonniimada sheegista iyo allifidda beentuna ugu fududaanayso.

Arrinta kale xiisaha lihi waxa ay tahay in daraasaddani beenisay warkii ay raggu isla dhex mari jireen ee ahaa in gabadhu mar walba ninka ka been badan tahay, sida daaraddan ka muuqata afartii nin-ba mid ayuun baa aan awoodin in uu been sheego, marka uu isku dayo inuu allfiana, carrab jalaqo iyo xaalad aan xasiloonayn oo wejigiisa ka soo if baxda ayaa lagu gartaa. Tan macnaheedu ma'aha in aanay gabadhu been sheegin balse waxa ay daraasaddu xustay in ujeeddadu tahay in ninku ka xeelad badiyo marka ay tahay been allifidda. Daraasaddan oo ahayd mid aad u xiiso badan muran badan iyo qosolna keentay waxa ay tilmaamtay in cidda ugu badan ee ninku been u sheegaa ay tahay xaaskiisa. Gaar ahaan marka ay gabadhu tahay mid ku kulul ama uu ka baqayo inay dhibaato kale ku kiciso.

Si kastaba ha ahaato ee, gabadhu waxa ay si fudud u garataa beenta ninka, qodobka kale ee xiisaha lihina waxa uu yahay sida ay caddeeyeen daraasado kale, in gabadhu ay awood dheeraada oo dabiici ah u leedahay garashada beenta uu ninku sheegayo, qiyaas ah boqolkiiba 60 illaa 80 ayaa ay gabadhu dareentaa hadba beenta uu ninku sheegayo. Waxa ay daraasaduhu sheegayaan in laba dhinac ee maskaxda gabadhu ka dhaqso badan yihiin xagga wada xidhiidhka iyo wada shaqaynta marka la barbar dhigo ninka taasina ay u fududaynayso in ay gabadhu si deg deg ah isugu geyso ereyada uu ninku leeyahay, waaqaca runta ah, xaaladdiisa, shucuurta ka muuqata wejigiisa iyo xataa codkiisa iyo sida uu u dhacayo, intaas kadibna si dhaqso ah u hesho jawaabta ah in uu been sheegayo iyo in kale.