14 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Kalsoonida Kala Noqday Maayarka Degmadaas

0
708

Picture4Hargeysa(Geeska)- 14-Xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Gabiley ayaa Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargaysa ku cadeeyay in xasaanadii kala noqdeen maayarka  Magaalada Gabiley iyo Maayar ku xigeenka Gabiley.

Waxa ay sheegeen inuu maayarku gudan waayay shaqadii uu u hayay Degmadaasi,isla markaas uu la soo saftay dhinac Xukuumadda.

Sidoo kale waxa ay caddeyeen in Golaha Deegaanka ee  Gabiiley Maalinta Arbacada ah fadhi ay ku yeelan doonaan Xarunta dawlada hoose xilka kaga xayuubin doonaan maayarka iyo ku xigeenkiisa.

waxa kale oo ay carab babeen qalabka ay Dawladda hoose ku shaqayso oo dhami inuu yahay amaah,isla markaas Dadkii lahaa ay kala qaateen,Sidaasna waxa ay ku sheegeen shirjara’iid oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa.

Ugu Horeyna waxa ka hadlay Xildhibaan Cali Axmed Yuusuf waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan. “Waxaanu Waraaq usoo gudbinay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo aanu ku cod sanaynay inaanu iskugu nimaadno fadhi aan caadi ahayn isla markaasna aanu xilka kaga qaadno Maayarka iyo ku xigeenkiisa,markii lagu soo edeeyay shaqo gudasho la,aan baahsan,waxa uu wasiirka arrimaha gudahu noogu jawaaba waxaan idiinku yeedhayaa Wasiiradda kasoo jeeda Beeshiina si ay idiin dhex dhexaadiyaan,Markaas anagu waxaan go’aan sanay inaanu xasaanada kala noqona Maayarka iyo ku xigeenkiisa 14 kayagaas xildhibaan kala noqona kalsoonidii.

Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Anaga waxa nalagu soo doortay codkii bulshada ku nool Gobolka Gabiley,waxaanan Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Cod Dheer ugu sheegaynaa inaanay bulshadu doonayna cid u dhaxaysa Xukuumadda iyo degmada Gabiley,waxa jiray laba miisaaniyadood oo Xukuumaddu ugu talo gashay Gobolka Gabiley oo aan hal rinji ah laga marin oo rag kale afka u dhigteen,cagafta aanu haysano waa dayn,qalab aanu ku shaqayno mahayno,damdamiskii kali ahaa ee meesha yaalayna ragii lahaa ayaa doonaya.

Dhinac kale Xildhibaan Cali Axmed Yuusuf oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa cadeeyay in kalsoonidii kala noqdeen maayarka iyo ku xigeenkiisa isla markaasna ay arbacda Xilka ka qaadi doonaan iyaga oo xilka qaadistiisana ku sifeeyay shaqo gudasho la’aan waxaana uu yidhi “Anagu waxaanu nahay Xildhibaano Sharci ah oo laga soo doortay golaha deegaanka ee magaalada gabiilay,Markaas hadii sharcigii la ixtiraami waayo isla markaasna la xeeri maayo waxa kala danbayn ah oo jiraysaana majirto,Xogta maanta gabiilay talaana waxa weeyaan,inaanu unimi guddoomiyaha baanka oo aanu ku nidhi xildhibaankaas cadilan ee ilmihiisa xanuun sanayo lacag soo sii waxa uu noogu jawaabay saddex bilood amaah Ayaan ku bixiyay baankina waa faaruq,Moyarkuna waa nin ay dawladu wadato oo danaha dawlada fuliya.

Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi oo Iyana halkaasi ka hadashay ayaa daaha ka rogtay Duruufaha dul hoganaya Gobolkii Gabiilay,Faah-Faahina ka bixisay sababa ku kaliftay in ay xilka ka qadaan moyarka iyo ku xigeenkisa waxaana ay tidhi “Maanta waxa uu shirkani daaran yahay inaanu si xasilooni ah xilkii uga qaadno maayarkii dagmada Gabley  iyo ku xigeenkiisa, Markii horena anaga ayaa gacan tayada ku dooranay imikana anaga ayaa kala noqonay kal soonidii,Madaama oo uu dadkii iyo shacabkii aanu u dhaaranay gudi waayay waajibaadkii ay usoo doorteen.”