Sunniyiinta Ciraaq Oo Dilay Garsoorihii Dilka Ku Xukumay Sadaam Xuseen Oo Ay Dhowaan Qabteen

0
789

Picture6Baqdaad (Geeska)- Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in la dilay garsoorihii dilka dal-dalaadda ah ku xukumay madaxweynihii xilka xoogga lagaga tuuray ee dalka Ciraaq Md. Saddaam Xuseen. Garsoore Ra’uuf Rashiid Cabdiraxmaan, ayaa lagu riday isla xukunkii uu ku riday madaxweyne Saddaam Xuseen sida lagu sheegay bar-kulannada xidhiidhka bulshada, iyada oo aanu weli war rasmi ah oo diidaya ama rumaynayaa ka soo bixin xukuumadda dalka Ciraaq ka talisa ee Nuur Al-Maaliki.

Bar-kulannada warkan lagu baahiyey waxaa ka mid ah bogga uu bar-kulanka bulshada ee Facebook ku leeyahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Urdun oo sidan qoray, “Koocdoonka Ciraaqiyiinta ayaa qabtay, waxa aanay ku xukumeen dil, iyaga oo uga aargudaya dhimashada Shahiidkii Saddaam Xuseen” Xildhibaanku waxa uu intaas ku sii daray, “Ra’uuf markii ay ragga kacdoonku qabteen waxa uu isku dayayey in uu ka baxsado magaalada Baqdaad, waxa aanu xidhnaa dharka ay xidhaan dumarka jaaska xirfad shaqo ka dhigta” Si gabadh loo moodo oo aan la garan.

Dhinaca kalana bogga uu Facebook ku leeyahay Cizat Duuri oo ah madaxweyne ku xigeenkii Saddaam Xuseen, ahna masuulka ugu sarreeya ee illaa hadda ka badbaaday gacanta Maraykanka iyo dowladda Shiicadu hoggaamiso ayaa isna ku qoray, “Ragga kacdoonka wada ee reer Ciraaq waxa ay ku guulaysteen in ay qabtaan garsoorihii Kurdiga ahaa ee Cabdira’uuf Rashiid, oo ah ninkii xukunka dilka ah ku riday madaxweynihii geeriyooday, waxa aanu hadda garsoorahaasi gacanta ugu jira, ciidamada dowladda Islaamiga ah iyo masuuliyiinta Xizbul-Bacaska” Cizat Duuri isaga oo la hadlaya raysalwasaaraha Ciraaq Nuur Al-Maaliki waxa uu intaas ku sii daray, “Garsoore Ra’uuf Rashiid waxaa gacanta ku haya Mujaahidiinta, adiguna qoortaada soo diyaari Haalikiyoow” isaga oo u duur xulaya raysalwasaaraha Ciraaq Maaliki oo uu si ula kas ah u qaldayo magaciisa si uu  macne kale u samayo, una sheegaya in ay isaga qudhiisana qaban doonaan kooxaha kacdoonka wada ee sunniyiintu.

Garsoore Ra’uuf Rashiid ayaa ay xukuumadda Ciraaq u magacowday kiiskii Saddaam Xuseen, karib markii uu xilkaas iska casilay Garsoore Razkaar Amiin oo qudhiisu Kurdi ahaa, balse ka biyo diiday farogelin joogto ah oo uu sheegay in maxkamada lagu hayey.

Markii uu 5tii Bishii Tobnaad ee 2006da uu xukuna dilka ah ku riday Saddaam Xuseen kadib ayaa Ra’uuf loo magacaabay wasiirka garsoorka ee dowlad goboleedka Kurdistaan, in kasta oo Ra’uuf loo yaqaannay in uu ahaan jiray nin aad ugu dooda xuquuqda aadamaha, haddana waxa uu fikirkaasi is beddelay markii shaashadaha dunida oo dhan laga daawaday xilligii uu socday xukunka Saddaam Xuseen iyo raggiisii isaga oo eedaysanayaasha si aad u adag oo marar badan ka baxsan anshaxa garsoorka iyo nidaamka caddaaladda ula macaamilaya, waxaana ka soo if baxday cuqdad iyo calool xumo badan oo uu u hayey Saddaam Xuseen iyo dowladdiisa maadaama oo uu u dhashay magaalada Xalabjab ee 1982kii Kiimikada lagu buufiyey, taas oo ahaydba tii kiiskeeda loo dilay Saddaam iyo rag kale oo badan.Labadii toddobaad ee u dambeeyey waxaa inta badan ee magaalooyinka woqooyiga dalka Ciraaq oo ay degaan sunniyiintu si xoog ah kula wareegayey Maleeshiyaad awooddooda milateri dhisan tahay oo isugu jira, ururka islaamiga ah ee DAACISH iyo jabhado Sunniyiin ah oo ka qiiraysan dulmiga iyo takoorka ay kala kulmeen dowladda Shiicadu hoggaamiso ee talada dalka qabsatay. Kooxahan kacdoonka ee hubaysani waxa ay aad ugu soo dhowaadeen magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq, taas oo sababtay in dad badan oo godob lagu tuhmayaa ay ka firxadaan magaalada, waxaana la filayaa in Ra’uuf uu ka mid ahaa dadkaas, sababtaasna u udharka dumarka u xidhay.

Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay Daily Mail ayaa intaas ku daray in Ra’uuf sannadkii 2007da mar ay isaga iyo xaaskiisa fasax ku tegeen magaalada London ay codsadeen in magangelyo uu siiyo dalka Ingiriisku, laakiin codsigaas dowladda UK waa ay ka diiday, waxaana loo malaynayaa in sumcad xumadii ka raacday garsoorenimadiisii dacwaddii Saddaam Xuseen ay ka mid tahay sababaha loogu diiday.