Ragga Ayaa Dumarka Kaga Wanaagsan Xoghaynnimada

0
600

Picture11Berlin (Geeska)- Waa hubaal in dad badani marka ay akhristaan cinwaanka u qaadan doonaan in qalad madbici ahi jiro oo uu cinwaanku is weydaarsan yahay, tusaale ahaan in uu sax ku yahay, Dumarka ayaa ragga kaga wanaagsan xoghaynimada. Laakiin sidaas ma’aha, cinwaanku waxa uu ku saxan yahay sida uu u qoran yahay.

Daraasad dhowaan lagu sameeyey dalka Germany ayaa lagu ogaaday in Raggu ay dumarka kaga fiican yihiin shaqada xoghaynimada ee ay dumarku ku caan baxeen. Majaladda Le point oo ka soo baxda dalka Faransiiska oo uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa qortay in daraasad lagu sameeyey shaqada xoghaynimada oo ay hadda dadka ka shaqeeya boqolkiiba 98 yihiin dumar lagu ogaaday in marka la is barbar dhigo dumarka iyo raga, iskaga midka ah dhinacyada dhaqanka, aqoonta iyo kartida in ay raggu ku wanaagsan yihiin xoghaynimada iyo dhaqanka dublumaasiga ah ee lagula macaamili karo dadka loo adeegayo. Gaar ahaan cidda u baahan in la dejiyo iyo weliba ilaalinta xogta xafiiska.

Daraasaddani waxa ay meesha ka saaraysaa fikirka muddada dheer bulshooyinka caalamka badankoodu ka sinnaayeen ee ahaa in xoghayn marka ay noqoto cidda ku fiicani in ay gabadha tahay aanu muran ka taagnayn.