Badhasaabka Saaxil Oo Ka Hadlay Rabshado Shalay Ka Dhacay Berbera

0
558

Berbera(Geeska)-Ciidamada Booliska ee Berbera ayaa shalay damiyay xiisad ka oogantay dadweyne gadoodsan oo weerar ku qaaday goob xero ah oo la sheegay in laga dhisayo goob lagu xanaaneeyo xoolaha laguna nasiyo inta aanay dekedda Berbera ka dhoofin. Goobtan ayaa la sheegay inay tahay xero weyn, waxase uu badhasaabka gobalku sheegay inay meeshu tahay dhul la isku haysto oo ay maxkamadi xayirtay. Muranka ayaa u dhexeeya shirkadda Indho deero iyo ganacsato kale.  Muuqaalo la soo duubay ayaa laga daawaday dadweyne gadoodsan oo weerar ku qaadaya dhulkaas. Badhasaabka Gobalka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay dhacdadaas, “Waa mid ku saabsan dhul la isku hayo oo la xayiray oo ay maxkamadi xayirtay.  Dhul 160 iyo 160 ah ayaa la isku hayaa, maxkamaduna xayiraad ayay ku soo rogtay, aniguna waxaan idhi ilaa muddo lama taaban karo, waxa iyana jirta wasiirka daakhiligu shalay oo u dambaysay ayuu la hadlayay labada dhinac oo uu kala hadlaayay in labada dhinac aanay ciddina meesha u dhawaan, sabtidana Hargeysa la isugu tago.” Sidaas ayuu yidhi badhasaabka Saaxil. Wuxuu guddoomiyuhu sheegay inay hayaan dadkii falka gaystay, “ciddii falkaas gaysatay qaybna waanu haynaa qaybna waa la soo wadaa, nabadgelyaduna waa caadi, wax culays ahina ma jiraan, shaqaaqadaas wax ku dhaawacmay iyo wax ku dhintay toona ma jiraan.”

Waxa kale oo intii ay rabshadaasi socotay xabsiga la dhigay weriye Maxamed Cabdillaahi Soofadhiiste, oo ka mid ah saxafiyiinta magaalada Berbera ee gobalka Saaxil, kaas oo la xidhay isagoo waajibaadkisa shaqo gudanaya.