Raaniya Tokaabri Waxa Ay Ku Dooday In Mar Kasta Oo Hawada Sare La Tago Uu Kordhay Isku Xidhka Diinta

0
1967

Raaniya Takaabri oo ah Injineer ku xeeldheer cilmiga hawadasare ayaa sheegtay in Cilmigu uu qofka saamayn dhinaca Iimaanka ah ku yeesho. “Cilmigu mar kasta dhinaca allaah ayaa uu inoo sii dhoweynayaa, waxa aana jira waxyaabo badan oo Qur’aanku sheegay, culimada sayniskuna hadda ogaadeen” ayaa ay tidhi Marwo Raaniya oo marti ku ahayd barnaamij talefishan. Iyada oo intaas ku sii dartay, “Waxyaabaha iga yaabiya ee sayniska ku jira waxaa ka mid ah, gaar ahaan marka aan akhriyayo Qur’aanka, aayadaha ka sheekaynaya koonka, iyo dhaqdhaqaaqa qorraxda iyo dayaxa. Waxaas oo dhami Allaah ayaa ay inoo dhoweynayaan.

Hadalka Injineer Raaniya waxaa ka dhashay doodo iska soo horjeeda iyo hadalhayn badan oo maalmihii u dambeeyey lagu qaadaadhigayey warbaahinta dunida iyo baraha internet ka ee ay bulshada ku xidhiidho. Waxa se doodda ugu xiisaha badan ay ka dhex abuurtay saynisyahannada iyo xeeldheerayaasha cilmiga hawada sare oo kuwooda ilxaadka u janjeedha iyo kuwa aan diinta Islaamka aaminsanayni ay ku doodeen in ay muhiim tahay in saynisyahannadu ay ka fogaadaan ka hadalka Arrimaha diinta, halka kuwo kale oo badani ay ka difaaceen Injineer Raaniya, iyaga oo ku doodaya in qof kastaa xaq u leeyahay in uu aragtidiisa si xor ah bulshada ugu gudbiyo, una iftiimiyo waxa ay la tahay in ay saxan yihiin.