Wefti Ka Socda Waddamada Somaliland Ka Taageera Doorashooyinka Oo Kulan La Yeeshay Xisbiyada Qaranka Iyo Farriinta Ay U Dhiibeen WADDANI & UCID

0
475

KULMIYE Oo Beesha Caalamka U sheegay In Doorashada Ururrada siyaasaddu Ka soo horaynayso Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa (Geeska) – Wefti ka socda Dawladaha reer Galbeedka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo Horumarinta dimuqraadiyadda, ayaa shalay si wada jir ah kulan ula yeeshay Hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland.

Weftigan oo ka socday Dalalka Midowga Yurub, UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany, ayaa waxay kala hadleen arrimo khuseeya doorashooyinka iyo arrimo kale oo khuseeya dhiirigelinta Dimuqraadiyadda.

WADDANI Iyo UCID

Labada xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa shalay si wada jir ah kulan ula yeeshay Waddamada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka, waxayna uga warrameen doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xidhiidha diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo kulankaasi ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi  “Labada Xisbi Mucaarad waxay kulan la yeesheen Weftiga ka socda Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka. Kulankaasi wuxuu u dhacay si wanaagsan, si wanaagsana wuu ku soo dhamaaday, waxaanu uga warramay Weftiga Xaaladda aynu ku jirno, Doorashooyinka, waxaanu u sheegnay in Xisbiyada Mucaaradku diyaar u yihiin in doorashooyinka soo socda oo dhami ay wakhtigooda ku dhacaan, waxa innagu soo aaddan saddex doorasho oo qorshaysan inay saddexduba sannadkan dhacaan, Wakhtiga ay doorashooyinkaasi ku dhacayaan maaha wakhti Cid dooranayso ee Sharciga ayaa jideeyay wakhtiga. Guurtida weli diyaar maaha xeerkii (loo mari lahaa doorashadooda), waxaanu ku talinay in laga wada-hadlo sidii xeerkaa loo samayn lahaa, Xeer Lr. 14/2011 wuxuu u baahan yahay dib u eegis, maaddaama oo ay Maxkamaddu ka saartay Dabarkii Goleyaasha deegaanka..”

Xoghayaha WADDANI wuxuu sheegay inay Madaxweynaha u qoreen Warqad ay kaga hadleen hawlaha hor yaalla Xukuumadda iyo Xisbiyada, si looga wada-hadlo “Madaxweynahana waxaanu u qornay Warqad aanu arrimahaas kaga hadlayno, waxaanu jecel nahay in laga sheekaysto sidii hore loogu socon lahaa oo buuqa la joojiyo.”

KULMIYE

Dhinaca kale, Isla Weftiga ka socda Beesha Caalamka, ayaa shalay la kulmay Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga KULMIYE oo ku saabsan waxyaabihii lagaga wada-hadlay kulanka dhex maray Beesha Caalamka, ayaa u qornaa sidan “Madaxda Xisbul-xaakimka haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiska xisbiga ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Midowga Yurub (EU) oo booqasho ku yimi dalka.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo ay wehelinayeen Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo siyaasi Axmed Nuur Faahiye oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga iyo weliba Afhayeenka xisbiga Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa shir la yeeshay weftiga ka socda EU-da oo u badnaa safiirro ay hoggaaminayso Madaxa Mashaariicda Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda Midowga Yurub Amb. Maria Groeneveld.

Kulankan oo lagaga wahadlay arrimaha doorashooyinka dalka, waxay ugu horreyn weftiga reer Yurub ku ammaaneen guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland hana-qaadka dimquraadiyadeeda iyo guulaha laga gaadhay doorashooyinkii xorta ahaa ee sida is daba-joogga ahaa uga dhacay dalka.

Waxa kale oo ay soo dhaweeyeen mowqifka xisbiga KULMIYE iyo Xukuummaddiisa ee ah inay diyaar u yihiin hirgelinta iyo qabashada doorashooyinka dalka, iyagoo dhankoodana ballaqaaday inay ka beel caalam ahaan diyaar u yihiin taageero ay ka gaystaan qabashada doorashoyinka.

Weftiga Midowga Yurub waxay soo jeediyeen in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ay ka fogaadaan wax kastoo caqabad ku noqon kara qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Dhinaca masuuliyiinta xisbiga KULMIYE hadallo isugu jiray soo dhaweynta weftiga iyo mahadnaqa taageerada beesha caalamku siiso Somaliland kadib waxay u cadddeeyeen mowqifka xisbiga iyo Xukuumaddiisa oo ah inay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka soo socda ee dalka, loona qabanayo sida ay u kala horreeyaan, iyagoo u sheegeen in ta u soo horraysaa tahay doorashada ururrada, kadibna saddexda xisbi ee ku soo baxaa ay gali doonaan doorashada Madaxtooyada.

Sidoo kale, madaxda KULMIYE waxay u sheegeen weftiga EU-da inay ka go’an tahay xisbiga iyo Xukuumadda ilaalinta shuruucda dalka, isla markaana qabashada doorashooyinka loo raacayo Xeerarka doorashooyinka ee dalka u yaala…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office