Raacista Basaska Dadweynuhu Waxay U Fiican Tahay Caafimaadka Wadnaha, Macaanka Iyo Dhimista Miisaanka

0
554

Picture7Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Japan oo natiijadeeda lagu soo bandhigay Maraykanka ayaa daahfurtay in marka shaqada la tagayo oo la raaco gaadiidka dadweynaha ee dadka oo dha nka dhexeeyaa ay u fiican tahay caafimaadka qofka ee jidheed iyo nafsiyadeedba.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu soo bandhigay kulanka sannadlaha ah ee Daladda caafimaadka wadnaha ee dalka Maraykanka oo sannadkan ka dhacay magaalada Orlando ee gobolka California ayaa lagu sheegay in socodka iyo kaxaysashada baaskiilka oo labaduba u fiican jimicsiga kana mid ah wax yaabaha lagula dagaalamo wadne xanuunka uu ka sii fiican yahay isticmaalka gaadiidka dadweynaha oo si weyn uga qayb qaata hoos u dhigista khatarta wadne xanuunka, cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga, hoos u dhigista miisaanka saayidka ah iyo cudurka macaanka.

Khubarada cilmibaadhistan sameeyey ayaa sheegay in ay isbarbar dhig ku sameeyeen dadka maalin kasta ku shaqo-taga si joogto ah ugu safra gaadiidka dadweynaha oo basaska iyo tareennadu ka mid yihiin iyo kuwa adeegsada baabuurta gaarka ah iyo tagaasida ay kelidood raacayaan, iyo sidoo kale kuwa iyaguna lugta ama baaskiilka ku shaqo taga, iyaga oo weliba niyadda ku haya xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha da’da, jinsiga iyo sigaar cabbista. Tijaabooyinka khubaradan waxaa ka soo baxay in dadka raaca gaadiidka dadweynuhu ay boqolkiiba 27 ay ka yar tahay cabsida laga qabo in uu ku dhaco cudurka Dhiigkarku, halka boqolkiiba 34 uu ku yar yahay cudurka cudurka macaanka, waa marka la barbar dhigo dadka la mid ah ee aan iyagu adeegsan gaadiidka dadweynaha.

In kasta oo aanay weli si rasmi ah xeeldheerayaashu u wada ogaan sababta runta ah ee arrintan keentay, haddana waxa ay hoosta ka xariiqeen in raacista gaadiidka dadweynuhu ay isku darsato lugayn uu qofku marka hore socod ku tagayo halka uu baska ama tareenka ka raacayo hadhowna marka uu soo noqdo halka uu kaga degayo illaa gurigiisa iyo faa’dada kale ee u gaarka ah oo ah in uu bulshada dhexgelayo oo sheeko kaftan iyo furfurnaan badan uu helayo taasina caafimaadka aad ugu fiican tahay.