Kelmado Sannadkii 2014 Si Rasmi Ah Loogu Daray Qaamuuka Afingiriisiga Iyo Xarfo Ereyo La Soo Gaabsado

0
548

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii Saddexaad ee qormo uu Geeska Afrika ku soo bandhigayey tiro ka mid ah ereyada sannadkii 2014ka si rasmi ah loogu aqoonsaday in ay ka mid yihiin afka Ingiriisiga laguna qori doono qaamuuska afkan.

– YOLO: Waxaa laga soo qaatay xarfaha u horreeya kelmadaha afingiriisiga ee You only live once oo marka aynu si toos ah u macnayno noqonaya, mar ayuun baa aad noolaanaysaa. Waxaana inta badan lagu yidhaahdaa qofka lagula talinayo in uu noloshiisa uga faa’idaysto himilooyinka uu leeyahay iyo in uu gaadho waxa uu jecel yahay oo aanu awooddiisa iyo dadaalkiisa hagran, maadaama oo nolosha tahay waqti kooban oo aan dib adduunka loogu soo noqonayn.

– DIY: Waxaa laga soo ururiyey hawraarta afka ingiriisi ee ah, “Do It Yourself” oo macnaheeda tooska ahi noqonayo, adiga qudhaadu same. Waxa aana loo adeegsadaa qof lagula talinayo in uu in hawl uu isagu qabsato oo aanu cid kale u xilsaaran ama ku aaminin, ama lacag ku bixin in cid kale u qabato.

Qaybta saddexaad: Caafimaadka iyo jidh dhiska:

Qaybtanina waa tibaaxo lagu cabbiraya arrimo dunida maanta caan ka ah ama dadku aad u hadal hayaan:

1. Xeerka shanta ilbidhiqsi: (Five seconds rule) waxaa jira dhaqan guun ah oo dad badan oo dunida ku dhaqani aaminsan yihiin in cuntada  ama cabbitaanka dhulka ku dhaca haddii dhaqso looga daba tago oo laga soo qaado Shan ilbiqdhiqsi gudahood aanay wax dhibaato ah lahayn in la cuno ama la cabbo, laakiin haddii ay Shantaa ilbidhiqsi dhaafto ay gaadhayso bakteeriyo oo aanay caafimaad ahaan fiicnayn.tibaaxdani waxa ay ku xidhiidhsan tahay xeerkaas waxase inta badan loo isticmaalaa marka la cabbirayo wax kasta oo la doonayo in la sheego ka dabataggoodu in uu ku xidhan yahay waqti yar iyo fursadda oo degdeg looga faa’ideeyo haddii kale aanay macno samaynayn in laga daba tago. Tusaale ahaan in qaladada qaar ku fiican yihiin in isla marka ay dhacaan la saxo, haddii kale hadhow aan la daba-qabatayn karayn. Malaha waa halka ay soomaalidu ka tidhaahdo ‘Dhicisku inta birta loo soo siduu bakhtiyaa”

2. Miyir-doorsoonka cuntada: (Food coma): Caadi ahaan waxaa la og yahay in qofku marka uu cunto badan cuno gaajoodo, ereygan waxaa lagu cabbiraa marka qofka la doonayo in loo sheego in sababta lu’ladiisu ay tahay cuntada badan ee uu cunay.

3. Bikeable: Baaskiil lagu wadi karo; waa erey loo isticmaalo marka la doonayo in la tilmaamo meel ama magaalo ku habboon jimicsiga iyo jidh dhiska. Waxaana si gaar ah loo xusay baaskiilka oo ka mid ah aaladaha loo adeegsado jimicsiga kuwooda ugu habboon.

4. Anti-vax: ereygan oo is-raacistiisu ay ku cusubtay afka ingiriisiga macnihiisu waxa uu noqonayaa, ‘ka soo horjeeda tallaalka’ waxaana inta badan lagu cabbiraa dadka carruurtooda u diida tallaalka iyaga oo aaminsan in uu dhibaato ku keeni doono. Sidaa awgeed waxaa la odhanayaa hebel waa Anti-Vax.

5. Vape: Kelmadda Vape iyada oo sidan u dhigan hore uguma ay jiri jirin afingiriisiga, waxase ay ku isir leedahay ereyga Vapor oo isagu hore u jiray macnihiisuna yahay Uumu bax, tusaale ahaan marka ay biyuhu kululaadaan kadibna uumi isu beddelaan. Haddaba sida la wada og yahay waxaa sannadihii u dambeeyey dunida laga isticmaalayey sigaar electronic ah oo aan sida caadiga ah lahayn buuri, sigaarkaas oo ah hab la doonayo in dadka sigaarka sida xoogga ah u qabatimeen isaga jari karaan sigaarka oo marka ay u baahdaan ay kan shitaan kadibna sida sigaarka u nuugaan iyaga oo qiiqa uumiga ah ee ka baxaya marka ay afkooda ka soo celiyaan nafta ku samirsiinaya in uu la mid yahay kii sigaarka. Haddaba maadaama oo sigaarka cabbistiisa loo isticmaali jiray ereyga Smoke oo laga soo qaatay qiiqa, maanta ereygii lama isticmaali karo oo sigaarkan korontada ahi maba laha qiiqaas, sidaa awgeed waxaa lagu beddelay ereyga Vape oo qofkii sigaarkaas korontada ah cabbaya lama odhanayo, “Smoking” laakiin waxaa la odhanayaa “Vaping” waana erey hadda kadib ku jiri doona qaamuuska afka ingiriisiga.

La soco…