Muuse Biixi iyo Saylici Oo Loo Doortay Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye

0
474

fasfasdfHargeysa (Geeska)- Musharaxiinta  xisbiga Kulmiye ayaa la doortay kadib shirkii golaha dhexe ee xisbiga uga qabsoomay hotelka Maansoor. Waxa jagada madaxtinimada u sharaxnaa muuse Biixi Cabdi guddoomiyaha Kulmiye oo aanay cidi kula tartamin, halka madaxweyne xigeenka ay ku loolameen Madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiir Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye.

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo musharaxa Kulmiye ee madaxtinimo waxaa ogolaaday  344 xubnood, Waxaa diiday14 xubnood , waxaana ka aamusay 7 xubnood, wuxuuna sidaasi ku noqday musharaxa xisbiga Kulmiye uga qayb galaya doorashada 2017-ka.

 Sidoo kalena madaxweyne xigeenka oo ay ku tartameen Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo wasiirka caafimaadku waxay codka u kala heleen sidan:-

Waxaa Ogolaaday in Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici noqdo musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye 230 xubnood, wuxuuna sidaasi ku noqday musharaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga Kulmiye uga qab galaya doorashada 2017-ka

 Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, waxaa ogolaaday inuu musharaxa madaxweyne xigeen ee Kulmiye noqdo 114  xubnood.

Wasiir Saleebaan ayaa hambalyeeyay musharaxnimada Muuse iyo Cabdiraxmaan Saylici. wuxuu sheegay in hannaanka doorashada Kulmiye khalad badani ku jiro, wuxuuna madaxweynaha ku dhiiri galiyay in la saxo hanaanka doorashada Kulmiye mustaqbalka dambe, wuxuuse sheegay in midnimada Somaliland ka go'an tahay, isagoo sheegay inuu siyaasadda u da'ayar yahay.