Quraac La’aantu Waxa Ay Keentaa Dhiigkar, Wadne Xanuun, Macaan, Kalastarool Iyo Miisaanka Oo Kordha

0
882

Washington (Geeska)- Dhakhaatiir u dhashay dalka Maraykanka ayaa sheegay in maalin kasta oo la quraacdaa ay caawiso yaraynta khatarta xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga ee qofka. Warmurtiyeed cilmiya oo ay soo saartay Dalladda dhakhaatiirta wadnaha ee dalka Maraykanka ayaa caddaysay in cuntooyinka ay ku badan yihiin Calories ay cunaan gelinnka hore, laakiin habeenkii ay iska daayaan, taas oo aad u yaraynaysa dhibaatooyinka dhinaca wadnaha ah, ama dhiig furanka maskaxda iyo cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in qofku marka uu maalin kasta quraacdo, ay u dhowdahay in aanu khatar u ahayn sababaha keena cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga, sida kor u kaca Kalastaroolka iyo dhiigkarka, waxa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in dadka aan joogtayn quraacdu ay aalaaba khatar u yihiin buurnimada, nafaqo-darrada iyo cudurka Macaanka. Marie-pierre Sant Onge oo madax u ahayd kooxda dhakhaatiirta ah ee tilmaamahan iyo talooyinkan caafimaad soo saaray, isla markaana ah cilmibaadhe nafaqaynta ku xeeldheer oo ka tirsan jaamacadda Colombia magaalada New York, ayaa mar ay faahfaahin dheeraad ah arrintan ka bixinaysay waxaa hadalkeeda ka mid ahaa, “Waxa ay u dhowdahay in ballanta cunto cunistu uu muhiim u yahay sida nooca cunto ee ayu cunayaa muhiim u tahay”

Sant Onge waxa ay sheegtay in cuntada oo waqti go’a la   cuno maalin kastaa ay caafimaadka u fiican tahay, iyada oo ku sababaysay in jidhka aadamuhu shayga uu la qabsado u diyaariyo waxa uu u baahan yahay shaygaasi, sidaa awgeed in qofku uu saacad go’an wax cunaa waxa ay saacaddaas ku habaynaysaa shaqadii xubnaha jidhka iyo waxa loo yaqaanno saacadda Bayoolojiga ah oo ah sida uu jidhku ku kala garto hawlaha muiimka ah ee u yaalla.