Guddoomiye Cabiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, Iyo Inta Hoggaamiye Ee Ku Hoosjira Xisbiga WADDANI

0
957

(A Leader is one  Who Knows the way, goes the way, and shows the way).

Dadbaan ayaan arkaa ama maqlaa oo ku cel celiya, saddexda Xisbi qaran waxa hoggaamiya saddex murashax oo kala ah, murashaxa WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabillaahi (Cirro) murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo murashaxa UCID Faysal Cali Waraabe, ku waas uunba la kala dooranaya. Taasi saxmaha mana jirto…..

Waxa jira  Leadership-ku maha qof waa koox (Team Leadership). Waa laga yaaba  in koodaas ruux kamid ahi ugu soo horeeyo, lakiin waxqabadkiisa,  wuxuu badali karo iyo wacyiga cusub ee uu Waddanka galin karaaba waxay ku xidhantahay hadba kooxda  ama Team-ka ka danbeeya tayadooda..

Somaliland maanta saddexda Xisbi ee ka jira way kala kooxo fiicanyihiin anigoo aan u hiilinayn  Xisbigayga hadana WADDANI labada Xisbi ee kale kooxda uu haysto ma haystaan mana heli-karaan.

Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jire, runtii aqoonta, khibrada, caqliga iyo waayo aragnimada ku hoos jirta Somaliland ba wax kale uma baahna ayaad odhanaysaa aan ahayn  Cabdiqaadir Jirde inta ku duugan haddii  laga faa'ideeyo iyaadaba isbadal ugu filan Somaliland. Wuxuu hayaa wacyigii aynu soo marnay ee gunta laga soo bilaabay, wuxuu haya wixii khaldamay ee aynu sixi karaynay, waxaanu hayaa halka iyo jidka ugu wanaagsan ee Somaliland haddii ay raacdo idamka alle ku barwaaqoobayso.

Afar casho oo caasimadda Sweden ee Stockholm aanu wada joognay, waxbadan ayaa iga kordhay runtii. Somaliland waxay u baahantahay koox  hoggaan (Team) ah oo soo shaqeeyay isku xidhan waxna  isku og, meel ku socada oo wacyiga ummadeena dhaqan dhaqaale maanta ku sugantahay badala, ummadda tusa oo ku hoggaamiya inay wax qabsan karaan, inay biyaha xidhan karaan, inay beeraha qodan karaan, inay waddanka dhisan karaan..

Hoggaankaas oo isagu ku suntan  ammaano, run sheeg iyo shaqo badnaan,  waayo madax been sheegaysa oo uurkooda iyo afkoodu kala gaaryahay waa mid Subxaanallaah,  hoggaan dadkeena bara inay dhididaan, shaqada iyo inay shaqaystaan  bara oo ku tababara waayo ummad aan tabcan ceelna ka soo cabimayso, shqadu ceeb maha habeen dhawayd ayaan Xaflad aan joogay ka sheege xirfada qofku ku xamaasho waa sharaf uu dheeryahay ma shaqaystaha, aniga Aabahay Kuuk caana ayuu aha wuu nagu soo koriyay, ummadda hoggaan Xirfado u sameeya oo dhalinyaradda jiheeya ayay u baahantahay, ciddii  shaqooyinka farsamada iyo xirfada jeclaysiin lahayd waa hoggaanka, haddii hoggaankaasi shaqadaba ceeb u yaqaan sideebu ummadda kale ugu hoggaamin karayaa.

Muuse Biixi ayaad arkayseen oo Cabdiraxmaan Cirro ku caayaaya meel tigidhada laga jaro ayuu haysan jiray, hadda Cirro 30-kii sanno ee u danebeyay wuu kala haayay, ama Safaarad haku kalaho, ama Baarlamaan ama Shaqo u gaare.. Maxamed Kaahin Oo Xirsi Cali Xaji Xasan kuleh Hudheelbu ka shaqayn jiray, Xirsina Jaamacadaha ayuu ugu khudbadeeyay halkuu nolsha ka soo istaadhay, 45 jir shaqaynayaay 30-kii sanno ee u danbeeyay inuu yahay .. Is waydiinayo waxay tahay sideebu  dhalinyaradda faqriga uga    saari karaan  koox iyo hoggaan sidaa ah oo aan shaqaynba 20-kii sanno ee u danbeeyay.

Qaarbaan arkaa Facebook-ga  yidhaahda Muniir Hudheel ayuu ka shaqayn jiray, waar ma wada tijaar ayaynu noqon karnaa, ilaa 14-jir kaygii Wallahay waan xamaalanaayay Alxamdullilaah..

"Dayo Da-dhexay lahayd, Da-aad yar yar bay lahayd, Dad kala guranbay lahayd". Hadraawi …. Ummadani hoggamin saxa ayay u baahan tahay, uma baahna Hoggaamiye 60-guri oo aanu shaqaysan Hargaysa ku leh oo wixii ummadda ah.

Maanta waxa madaxa iyo mijaha isugu keen xidhay waxan qabaa inay tahay hoggaan la'aan…..

Haddii aad WADDANI doorataan, ma dooran doontaan Cabdiraxmaan Cirro iyo Maamed Cali oo kaliya, waxaad dooranaysaan, Cabiqaadir Jirde, Maxamed Biixi, Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Xirsi Cali Xaji Xasan, Cabdirashiid Xasan Mattaan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo boqolaal Hal-door oo u diyaar ah in aanu Cabdiraxmaan Cirro noqon Sheekhal Kulu wax kastaba isagu ah, iyagoo u jeexay khad cas oo aanu Madaxweynuhu dhaafi karin, u jeedo cad oo Dalka lagu hoggaaminaayo si loo gaadho hayaanka ummadani inta badan amalkeedu ahaa ee ay ku naaloonaysay.

Waxay kooxdasi ka shaqaysiin doonaan hay'adaha qaarna la kufsaday sida sharci dajintii Baarlamaanka, qaarna la curyaamiyay sida Hantidhawrkii, Xisaabiyihii guud ee qaranka, Baankii dhexe, la dagaalankii musuq maasuqa iyo dawlad wanaaga, ka hortagiii iyo kayd ka samaysa shadii aafooyinka dabiiciga ah iyo abaaraha IWM.

Marka muwadinow anigu waan ku digayaa dooro WADDANI si aad in uun u badbaadiso amalka ummaddeena ee sii libdhaaya…