Godkan Ayaa Uu Waaga Islaamku Ka Soo Dillaacay Oo Uu Dunida Oo Dhan Fallaadhaha Nuurkiisa Wada Gaadhsiiyey

0
1227

Makah (Geeska)- “Akhri” Waxa uu ahaa ereygii ugu horreeyey ee waxyigii ku soo degey Nebigeennii Muxamed (SCW), xilli uu ku sugnaa godka lagu magacaabo Qaaru Xiraa’ oo ku yaalla dusha sare ee buurta A-Nuur meel joogga dhulka ka sarraysa 634 Mitir, halkaas ayaana uu ilayskii Islaamku ka soo iftiimay oo dunida oo dhan kaga faafay.

Qaaru Xiraa’, waxa uu masaajidka Xaramka Barakaysan ee Makah ka durugsan yahay masaafad dhan 4 Kiiloomitir, waxa  aanu afaafka godku ku yaallaa jihada woqooyi ee buurta, marka gudaha loo galena, waxa ay wajahaaddaada koowaad u jeeddaa dhinaca kacbada.

Muxyaddiin Al-Haashimi oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer arrimaha Labada Xaram ee Sharafta leh, ayaa caddeeyey in godka lagu magacaabo Qaaru Xiraa’ uu gudihiisu qaadayo 6 ruux. Waxa aanu tilmaamay in booqashada godkani ay u baahan tahay in qofku uu awood jidheed oo aad u heer sarraysa leeyahay, maadaama oo aan si dhayal ah lagu gaadhi karin godku halka uu ku yaalla awgeed.

Al-Haashimi oo tilmaamaya halka uu Godkani ku yaallo ayaa sheegay in ruuxa Qaaru-Xiraa’ in uu tago doonaya ay qasab ku noqonayso in marka hore uu buurta figteeda koro, maadaama oo godka aan toos xagga hoose looga soo fanan karayn. Marka uu figtaa sare gaadho, ayaa uu haddana mar kale qiyaas 20 Mitir ah hoos buurta uga soo dhaadhacayaa.

Al-Haashimi waxa uu sheegay in buurta An-Nuur uu inta badan ee buuraha ka muuqaal duwan yahay, marka laga eego qaabka uu u samaysan yahay, oo uu la maseeyey qaabka kurus awr oo kale, taas oo marka u horreysa ee qofka dhulkan buuraleyda ah tagaa uu ka dhex garan karo buuraha kale ee hareeraha ka xiga.

Al-Haashimi oo u warramay Shabakadda Al-Carabiya oo Geeska Afrika ka soo xigtay warkan ayaa sheegay in Nebi Muxammed (SCW) xilliga uu halkan imanayey ay da’diisu gaadhay 40 sano, oo sida aynu taariikhdaba ku hayno Nebiga uu Waxyigu ku soo degey bil Ramadaan isaga oo 40 Jir ah oo jooga Qaaru-Xiraa’ oo muddooyinkas uu caado ka dhigtay in uu joogto u tago si uu ugu soo cibaadaysto, isaga oo ka dheeraanaya shirkiga ku dhex jiray tolkii reer Makah.

Markan Nebi Muxammed (SCW) muddo bil buuxda ah ayaa uu godkan ku negaa, isaga oo cuntadiisaiyo cabbitaankiisana hore u sii qaatay.

Waqti ku beegan tobankii dambe ee bisha Ramadaan oo uu Nebi Muxammed (SCW) Qaaru Xiraa’ ku sugan yahay, ayaa uu ku suu degey Malak Jibriil (Alle ha ka raalli ahoodo ee) oo aan noole kale isku soo ekeysiin ee isagii ah. Waxa aanu ku yidhi, “Akhri” Rasuulkii Alle ayaa ugu jawaabay, “Anigu waxba ma akhriyi aqaan” Saddex jeer ayaa aanu Malaggu ku celceliyey, kadibna waxa  uu ku akhriyey ayaadaha u horreeya suuradda 96-naad ee Qur’aanka Kariimka ah, oo ah Al-Calaq balse magaca Iqra’ aad loogu garan og yahay. “Godkaas ayaa uu ka soo dillaacay Iftiinka Islaamku”ayaa uu yidhi Al-Haashimi.

Ugu dambayntii waxa uu Al-Haashimi ka digay in dadka booqashada u tegeya godkani ay burburiyaan dhagaxaantiisa, iyo in ay gidaarrada wax ku qorqoraan sida haddaba dhacday, sidoo kale waxa uu ku waaniyey in aan goobtan qashin lagaga iman, maadaama oo halka uu ku yaalla darted adiifinteedu adag tahay